XOG:- Madaxweyne Farmaajo oo bari ku wajahan Gobol Somalia ka mid ah…

0

Madaxweynaha  Jamhuuriyada Fadaraalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maalinta axada ah ku wajahan Gobolada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa uu ka bilabaya Magaalada Dhusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud  halkaas oo uga qayb gali doono Gogol nabadeed oo lagu heshiisinayo Madaxda Galmudug oo mudoyinka danbe uu ka dhex jiray  ismari waa.

Madaxweynaha ayaa waxaa qorshaha ugu jirta in uu sido kale boqdo Magaaloyinka  Cadaado oo lagu wado in uu ka dhaco  kulanka Barlamanka Galmudug  sido kale na waxa uu boqaan doona Magaalada Galkacyo oo ayaduna  u tagi doona  sidii uu u ogan lahaa halka ay marayaan Dadaalo dowlada ay hormuud u ahayd oo  Puntland iyo Galmudug nabad lagu dhex dhigayay.

Isku soo wada duubo Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu qadan doona dhowr Maalin waxaana uu dib ugu soo laban doona Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Somalia.