Animation

XOG:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo kusugan Dalka kenya iyo Wasiiro Gaaray Nairobi

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:52 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxame islaam Axmed (Madoobe) oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu u yeeray wasiirka arimaha bulshada maamulkiisa oo isna shalay tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Macalin Maxamed Ibraahim oo ah wasiirka arimaha bulshada ayaa loogu yeeray Nairobi inuu kaga qeyb galao kulan looga hadlayay sidii Alshabaab looga saari lahaa Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Bu’aale oo xarunta gobolkaasi ah.

Waxyaabaha ugu badan ee sababay in Macalin Maxamed loo yeero ayaa lagu sheegay in la qorsheynayo inuu hogaamiyo dagaalka Alshabaab looga saarayo degmada Bu’aale iyo deegaanada kale ee Jubbada dhexe.

Waxaa la qorsheynayaa inuu hogaamiyo ciidamada ka baxaya degmooyinka Afmadow iyo Dhoobleey oo la doonayo iney qabtnaa degmada Bu’aale iyo deegaanada kale ee ku hareereysan.

Shirka loogu yeeray Macalin Maxamed ayaa waxaa ka qeyb galay dowladaha Mareykanka, Soomaaliya, AMISOM iyo xubno uu kamid yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Facebook Comments