Somali News Top News

XOG: Madaxweynaha Jubbaland oo Magacabaya 3 Wasiiru Dowlo oo muhiim ah Akhriso Magacyada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha fooda inagu soo haya  Magacabaya  Qaybtii dhimnayd ee Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa doonaya in xubnaha ka dhiman golihiisa Wasiirada iyo kuwa magacaaban uu si wada jir ah ugu qabto Xaflad aad u balaran oo lagu dhaarinayo .

Xafladan oo la qaban doono maalmaha fooda inagu soo haya ayaa waxaa ka soo qayb galaya Madax katirsan Dowlada Somalia Dowladaha Dariska ah iyo  Beesha Calamka.

Sida Kismaayo24 ay xog hoose ku heshay  Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu malmahan soo socdo Magacaabaya Wasiiru Dowle yaasha kala ah.

1- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Waxaana lo Magacabaya Dr Cabdiqani Sh Cali Diini ama Dr Cabdi Shire Warsame.

2- Wasiiru Dowlada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah  Dr Cabdi Cali Raage 

3- Wasiiru Dowlaha Maaliyada  Ibraahim Baajuni

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe  ayaa Magacaabista  Mudane yaashan kor ku xusan  ka damacsan in uu ku damiyo tabasho ka dhalatay  Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay.

Xubnahan aan kor ku soo xusnay ayaa ka mid ahaa  dadki lo saadalinayay Wasiirada Buuxa waxaayna qayb weyn ka ahaayeen  dib u heshisintii Jubbaland  ka dhacday ayado  labada xubno ee danbe ay ayaguna  dhismihii guud ee Jubbaland  kalin mugleh ku lahayeen.

Isku so wada duubo Magaalada Kismaayo waxaa hada ka socda  qaban qaabada iyo u diyaargarowga  Caleemo saarka golaha Wasiiirada Jubbaland  ayado intaasi ka dib na Golahaani ay hor yaalan howlo badan oo u bahan in wax laga qabto.

 

 

Related posts

Breaking: Madaxweynihii Hore ee Puntland oo Noqday Musharaxa Labaad ee ku Guuleystay Aqalka sare Puntland

Tifaftiraha K24

Waraysi xiiso leh Dr. Abdirahman Macalin Abdullahi ( Baadiyo ) gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran,

admin

Akhriso: Puntland oo war ka soo saartay doorashada cadaado ka dhacday iyo natiijada ka soo baxday

Tifaftiraha K24