Animation

XOG: Madaxtooyada Soomaliya oo Dhaqaalihii Ugu Badnaay ku Bixineysa Kursiga Beesha Shiiqaal ee Aqalka Hoose oo Faarax C/Qaadir uu ku Tartamaayo

2 responses
Monday November 14, 2016 - 8:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar maanta Waxaa gaaray Musharax Faarax Shiikh C/Qaadir oo kamid ah Musharrixiinta Raadinaya in ay Kamid Noqdaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya qeybta ka Imaaneysa Maamulka Hirshabeele.

Faarax C/Qaadir oo ka soo Jeeda Beesha Shiiqaal ayaa la sheegay in uusan Jirin Musharx kale oo Kursiga Beesha Kula loolama waxaana Arintaasi lagu Sababeeyay Maadama Ninkaan uu aad ugu dhawyahay Xasan Shiikh oo Dhanka Dhaqaalaha uu isaga ka saacidaayo waxaana Ergada Beesha lagu wargaliyay in Musharax kale aysan Kursigaan kula Tartansiinin oo Faarax oo kaliya uu Kursiga ku guuleysto.

Faarax ayaa qarash Badan ku Bixinaya in uu ku guuleysto Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Shiiqaal Waxaana Dhaqaalaha Ugu Badan ee Ol’olahiisa Bixineysa Madaxtooyada Soomaliya.

Warar Hoose oo Jubaland24.com ay Jowhar ka heleyso ayaa waxa ay sheegayan in faarax C/Qaadir Magaalada laga dajiyay Hotelka Magaalada Ugu Qaalisan Taasi oo Muujineysa Dhaqaalaha Madaxtooyada Soomaliya ay ku Bixineyso in faarax uu ku guuleysto Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Shiiqaal.

xasan-sheekh-iyo-faarax-cabdulqaadir-oo-ay-ka-tafan-tahay

Sida Muuqata Kursigaan Aqalka Hoose waxa uu diyaar u yahay Ninkaan Kasoo shidaal qaadanaya Madaxtooyada Villa Soomaliya ee Muqdisho Balse Ergada Beesha Shiiqaal qaarkood oo Wareysi Hoose siiyay Jubaland24 ayaa waxa ay Inoo Sheegen in Faarax C/Qadir uu Kursigaan ku Bixinaayo Dhaqaalo Badan iyo Weliba Handadaad lagu haayo Qaar kamid ah Ergada oo Dhaliilsan Ninka Lagu Magacaabo Faarax C/qaadir oo Xasan Shiikh ay Isku Koox yihiin.

Xasan Shiikh Marnaba Kama maarmo in Faarax C/Qaadir uu ka waayo garabkiisa Dhanka Siyaasada waxaana Marag ma doonta ah in Xasan Shiikh uu Juhdi iyo Dhaqaalo Badan ku Bixinaayo Kursiga Aqalka Hoose ee Faarax uu u tartamaayo.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo kooxda Damjadiid oo horay ugu fashilmay inay xubin Aqal sare Beesha Sheekhaal uga helaan maamulada Galmudug iyo Jubbaland, laakiin waxay hadda dadaal iyo kharash dheeraad ah ku bixinayaan inay Xubin Aqalka Hoose ka helaan Maamulka Hirshabeelle oo Beeshan aanay wax degaan ah ku lahayn.

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele waxaa ay Bilaaban doonta 16-ka Bishaan aynu ku jirno waxaana Wejiga Koowaad lagu dooran doonan ilaa 13 Xildhibaan Habada La Arki doonee Sida Faarax uu uga soo Baxo Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka dhici doonto.

Xigasho Jubaland24.com