Animation

XOG: Madaxtooyada Kenya oo War yaab leh ka qortay Qaadka ay fasaxday Somalia, Iyadoona sheegtey in………………………………..

no responses
Wednesday September 14, 2016 - 6:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War ay faafisay madaxtooyada Kenya ayaa lagu faahfaahiyay sida madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu guuleystay in xayiraadda laga qaado Qaadka dalka Kenya u dhoofiyo Soomaaliya.

Warka oo lagu qoray webka Madaxdooyada Kenya ayaa lagu bilaabay:

Duulimaadyadii Qaadka (Miraa) ee Muqdisho waxay bilaabayaan beri kadib markii wadahadal maanta uu dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii madaxweynaya Kenya uu socdaal ku tegay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa socdaalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Kenyaan ah ku tago Soomaaliya muddo 30 sanadood ah. Arrintan waxay farxad weyn u tahay dadka Meru, gaar ahaan, beeraleyda yaryar oo noloshooda ku tiirsan tahay waxsoo saarka Qaadka.

“Waa horumar weyn, waxaana u mahadcelineynaa hogaanka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta kadib markii uu wadahadal barbar socday shirka IGAD la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta wuxuu kaloo ka helay dowladda Soomaaliya in Bankiga Ganacsiga Kenya uu xarun a furato magaalada Muqdisho inta uusan dhammaan sanadkan 2016.

Warka madaxtooyada Kenya laguma soo hadal qaadin arrimaha Kenya balanqaaday sida fududeynta isu socodka diyaaradaha labada dal.