Somali News Top News

XOG: Madaxtooyada Garoowe oo Kulamo Xasaasi ah ay hada ka socdaan iyo k24 oo ogaatay in …

Wararka ugu Dambeeyo ee aan ka heleyno Madaxtooyada Garoowe aya waxa ay sheegayan in kulamo xasaasi ah ay halkaasi uga socdaan Raiusl wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maamulka Puntland waxaana klamadaasi inta badan lagu lafa guraya in puntland iyo Madaxda Federaalka ay hal mowqif ka qaataan doorashada dalka ka dhaceysa sanadkaan.

Raisul wasaaraha Soomaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke ayaa isku dayaya in Puntland uu ku qanciyo in ay ogolaadaan Doorashada Soomaliya sanadkaan ka qabsoomeysa in loo maro habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 waxaana la sheegaya in puntland ay weli ku madax adeegeyso go’aankeeda diidmada ah ee 4.5

Wafdiga raisul wasaaraha ayaa waayadan ku sugnaay Magalada garoowe halkaasi oo ay kulamo xasaasi ah kula qaadanayeen Madaxda Puntland inkastoo Kulamadaasi aysan weli wax Natiijo ah ka soo Bixin labad dhinac aysan weli ka hadlin waxyaabaha ay ka wda hadleen .

Dhinaca kale wararka aynu heleyno ayaa waxa ay sheegayan in Madaxtooyada Garoowe xalay looga yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland C/Raxmaan Maxamad faroole ayna u yeereen raisul wasaaraha Xukuumada Soomaliya iyo Madaxweynaha Puntland .

Madaxweyne C/weli Gaas iyo Ra’iisul Sharmaake ayaa C/raxmaan Faroole u soo jeediyey waxa laga yeeli karo in Soomaaliya oo dhan ay hadda Puntland u xayiran tahay, loona baahan yahay xal dalka Soomaaliya doorasho uga dhici karto dabayaaqada sanadkaan 2016-ka, sidoo kale masuuliyiintaan waxay Dr Faroole u sheegeen in Puntland ay tahay hooyada federaalka Soomaaliya aysanna habboonayn xilligaan in Puntland ay caqabad ku noqoto dhismaha dowladda cusub ee imaan doonta.

La Soco k24 wararka ugu dambeyo kulamada ka socda Garoowe

Related posts

Top News: Gudoomiye Jawaari Oo Afka Furtey, Kana Hadley Arimo Badan Oo Xasasi Ah (Tolow Maxay Yihiin???)

Tifaftiraha K24

Beel ka mid ah beelaha Daarood oo Axmed Madoobe ku dhaliilay..

admin

Maamulka Dowladda ee Gurceel oo ka soo horjeestay Heshiiska Ahlusunna

admin