Somali News Top News

XOG;- Madaweyne Gaas oo Muqdisho u Duulaya iyo Madaxda somalida oo isugu imaanaya Muqdisho

kismaayo24 ayaa heshay xog cadeynaya in ay markale sadexda maalmood ee nagu soo fool leh ay Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalidu iskugu tagi doonaan magaalada Muqdisho shir gaar ah, oo daba socda kii ka dhacay magaalada Kismaayo oo natiijo buuran aan laga gaarin.

Wararka ayaa xaqiijinaya in ay dawladda Faderaalku hada diyaarinayso dirida waraaqaha ka qeybgalka shirka iyo casumadaha, iyadoo ay dawlad gobaleedyadu ka soo wada qeybgali doonaan shirkan oo ah mid xasaasi ah.

Ugu dambeyn 28-ka bishan ayaa laga dhawrayaa in ay go’aan kama dambeys ah gaaraan dhinacyada Siyaasada ee Soomaaliya, sidii ay horey Beesha Caalamku uga codsatay dhinacyadu in ay dadajiyaan qorshaha lagu gaarayo doorasho xor ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Ma jirto cid ilaa hada muujisay in aysan ka qeybgaleyn shirka Muqdisho, balse waxaa la saadaalinaya in culeysyo xoog leh ay soo food sareen dhinacyada qaarkood, gaar ahaana Jubbaand & Puntland oo dadweynuhu ay sheegeen in aysan qaadan karin nidamka 4.5 oo ay horey u diideen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Abdiwali Maxamed Ali Gaas ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho sabtida maanta ah, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada ee Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu horey u sheegay mawqifka ay qabto Puntland in uu yahay midkii ay ka sheegtay shirkii Muqdisho.

Lama garanayo Natiijadu nooca ay noqon doonto, balse waxaa la hubaa in ay Madaxda Koonfurta Soomaaliya ay ku dhegan yihiin mawqifka ah In doorashada lagu galo nidaamka beelaha, taas oo ay ka soo horjeedaan Jubbaland, Puntland iyo beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Related posts

TOP NEWS: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo booqdey Xafiiska IGAD ee Jabuuti

Tifaftiraha K24

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Baarlamaanka Hortgaayo Maanta,,,,,

admin

Muuqaal: Tartan Cajiib Ah Oo Gabdhaha Kismaayo Loo Qabtey (Tolow Muxuu Ku Saabsanyahay??)

Tifaftiraha K24