Somali News Top News

XOG: Maamulka Puntland oo Hadal dhibaato u keeni kara Beel ka mid ah Beelaha Soomaalida ku dhawaaqay iyo Galkacyo oo dibad bax ka dhan ah Beeshaas uu ka dhacay

Banaanbaxyo u muuqda in Dad gaar ah lagu Beegsanaayo ayaa maanta ka dhacay Magaalada galkacyo ka dib qaraxii saakay lala beegsaday meel ay ku badanyihiin masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo lidi ku ah Ururka Alshabaab inkasto Dibad baxa uu u muuqday mid lagu beegsanaayo dad gaar ah oo saakay Masuuliyiin ka tirsan Puntland ay sheegen in qaraxa ay ka dambeeyan .

Dadka Dibad baxa dhigay ayaa beegsanayay dad gaar ah ka dibna ay qabanayen qaarkoodna jirdil u geysanayay iyagoona ku eedeynayay in qaraxa ay ka dambeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare ayaa Warbaahinta u sheegay in qofka is qarxiyay uu ahaa Qof Jareer ah siduu isaga hadalka u dhigay Masuulka wixii hadalkiisa ka dambeyay waxaa jirtay in la beegsanayay dadka ka soo jeeda Beesha jareer ee Galkacyo ku Nool Taasi oo u Muuqata in Maamulka gobolka Mudug uu toosh ku shiday dadka masaakiinta ah ee lagaga awooda badanyahay gudaha magalada Galkacyo.

Hadaba Puntland miyeysan qalad ku aheyn in Warka Nuucaas oo kala ah oo Caadifad dhalin kara in aysan Warbahinta u adeegsan Waxaana sidoo kale jiray in Warbaahinta qaar ee Puntland Wararkeeda aadka u qara in ay iyaguna daabaceen warkaan dhalin kara Caadifad ama Dhibaato loo geysto dad aan waxba galabsan .

Shuruucda Saxaafada miyey ku jirta in qofka wariyaha uu ku hadlo hadalo xanaf dhalin kara ama dad waxyeelo u geysan karaa jawaabta wa maya sida cad waxaanse la yaabay qolyaha u bareeray in warka Nuucaa oo kale ah oo Masuul aan shacab iyo Maskiin toona aan u daneynin in ay soo daabacan wararka nuucaan oo kale ah puntland waxaa la gudboon in wararka xanafta dhalin karaa ay warbaahinta u adeegsadan hadii hey’addaha Amaanka ay xeta ogaadan qofka falka geystay iyo reerka uu ka dhashay ma ahan in Si toos ah warbaahinta loogu adeegsado iyadoona ay taasi dhalin karto dagaal isir naceyb ku saleysan.

 

Related posts

Sawirro:-Garoonka diyaaradaha Baladweyn oo xiran iyo dad barakac hor leh sameeyay

admin

Sawirro:- Wasiirka arimaha gudaha oo lakulmay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug

admin

DEG DEG: Isgaarsiinta Magaalooyin ay ku jirto Kismaayo oo Hawada ay ka saareen Alshabaab kadib markii la sheegay in….

Tifaftiraha K24