Animation

XOG: Ma Ogtahay in Shariif Xasan uu Yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya Goormee ayuuse Baydhabo kaga dhawaaqi doona????

no responses
Sunday October 16, 2016 - 7:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Hoose oo ay Heleyso Kismaayo24 ayaa waxa ay sheegayan in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ku dhawaaqi doono in uu yahay Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

Shariif Xasan ayaa la Fahsanaay In maalimihii ugu dambeeyay uu kulamo gaar gaar ah ka waday Magaalada Baydhabo Iyadoona Madaxtooyada Magaalada Baydhabo Mashquul laga dareemayay Maalmihii ugu dabeeyay.

Ila Wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed Baydhabo ayaa K24 u Xaqiijiyay in Maalinta beri oo Taariikhda ay ku beegantahay 17-ka Bisha Octobar uu si rasmi ah Shariif Xasan Baydhabo kaga dhawaaqi doono in uu yahay Musharax Madaxweyne 2016-2020-ka.

Inkastoo ay dhici karto in Shariifka uu dib u dhigo ku dhawaaqistiisa Hadana waxaa loo Badinaaya in Maalinta Berito uu Madaxtooyada Baydhabo uga dhawaaqi doono Ol’olahiisa Musharaxnimo.

Koonfur Galbeed weli ma aysan soo Gudbin Xubnihii Aqalka Sare u Matali lahaa waxaana Shariif Xasan uu waday Qorsha uu kusoo xulaayo Xubno isaga u dhaw oo Koonfur Galbeed u matala Aqalka Sare.