XOG: Kulan Seddex Geesood ah oo Lagu wado in Muqdisho uu ku dhexmaro Madaxweyne Guulled Dowlada Mareykanka iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka

0
U.S. Army General David Rodriguez, U.S. Africa Command commander, host an East Africa Joint Interagency, Intergovernmental, and Multinational conference at Camp Lemonnier, Djibouti, April 14, 2015. The event was a forum for regional U.S. Embassy and East African partner nation representatives to gain greater insight into each other’s goals and objectives within the East Africa region. The event also provided an opportunity for Rodriguez to introduce his new Combined Joint Task Force-Horn of Africa Commander, U.S. Army Maj. Gen. Mark Stammer, to the regional U.S. Embassy and East African partner nation representatives. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Kevin Iinuma)

Xog hordhac ah oo ay Heleyso K24 ayaa waxa ay sheegayan in Maalmaha Soo socda Magaalada Muqdisho uu ka dhaco Kulan Seddex Geesood ah oo dhexmari doono Madaxweynaha Galmudug Wakiilo ka socda Dowlada Mareykanka iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Kulankaan Seddex Geesoodka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco Xarunta Ugu Weyn Amisom ee Xalane waxaana la filaaya in halkaasi lagu falanqeeyo Duqeyntii Mareykanka ay ku beegsadeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Xogta ay heshay K24 waxa ay Muujineysa in Xubnaha Dowlada Mareykanka ka socda in laga yaabo in ay Cudur daar ka bixiyaan Qaladkii ay sameeyen Diyaaradaha Mareykanka ee Droneska taasi oo lagu beegsaday Ciidanka Galmudug.

Inkastoo aan laga Hordhici karin Kulankaan iyo waxa ka soo Bixi doona hadana Madaxweynaha Galmudug waxaa Kulankaan uu u yeelanaya Muhiimad Gooni ah oo uu kaga hadli dono qadiyada ku aadan Ciidankii Galmudug ee sida qaldan loo Xasuuqay kadib Macluumaad qaldan oo Sirdoonka Puntland ay bixiyiin si loo beegsado Ciidanka Galmudug.

Xogtaan waxa ay Gaar u tahay K24 isha ku Haay wararka la Xiriira Kulankaasi