Animation

XOG: Ku Dhawaaqista Xubnaha Aqalka sare oo Markale Dib u dhac uu Ku Yimid Iyo Qaramada Midoobay oo …..

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 1:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo maanta Lagu waday in Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ay soo Gudbiyaan Xubnaha Aqalka sare u Matalaya Dowlada Cusub ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegaya in Markale uu dib u dhacay soo bandhigista Xubnaha Aqalka sare ee Maamul Goboleedyada.

Maanta oo Taariihda ay ku Beegsantahay 5-10-2016 waxaa qorshaha uu ahaa in Maamul Goboleedyada ay soo gudbiyaan wakiilada aqalka sare ee baarlamaanka Sanadkaan u matalaya maamul goboleedyada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa Horay ugu qabtay Maamul Goboleedyada in Mudada ugu dambeysa ee Maanta ku beegan in ay soo Gudbiyaan Xubnaha Aqalka sare u Matalaya Balse Maanta aysan Jirin Maamul soo gudbiyay Xubnihiisa Aqalka sare taasi oo meesha ka saaraya in waqtigii loogu tala galay ay dhacdo doorashada .

Warar Hoose oo ay Heshay k24 ayaa waxa ay Muujinayan in ay dhici karto in markii Seddexaad Doorashada ay dib u dhacdo.

Dib u dhacaan ku yimid ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa loo Aaneynaya in Maamul Goboleedyada ay ka daahiyeen in ay soo gudbiyaan Xubnaha Aqalka Sare sidoo kale waxaa wararka ay sheegayan in Danjire Keating oo maanta baydhabo gaaray uu halkaasi u tagay in Maamulka Koonfur Galbeed ay si Deg deg ah usoo Gudbiyaan Xubnaha Aqalka sare kaga mid noqonaya.

Sidoo akle Danjire Keating waxaa la filaaya in Maalinta Beri oo Arbaco ah uu gaaro Magaalada Garoowe Halkasi oo uu Madaxda Puntland kagala soo hadli doono in ay soo da dajiyaan Xubnaha Aqalka sare maamulkaasi u matalaya.

Xog Hoose oo K24 ay heshay ayaa sidoo kale waxa ay sheegayan in maamulka Puntalnd uu qorsheynaayo in kama Dambeys Xubnaha Aqalka Sare ay soo Gudbiyaan maalinta Sabtida ee soo socota oo taariikhda ay ku beegantahay 8-10-2016-ka.

Caqabadaha kale ee ku Hor gudban soo Bandhigida Xubnaha Aqalka sare waxaa ka Mid ah Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo isna Dhibaatadiisa wata Maadama Xubnaha Aqalka sare ee Mamaulkaasi laga sugaayo uu muran ka dhex taaganyahay.

Guddiga Doorashada weli kama aysan Hadlin Dib u dhaca u Muuqda in maanta uu ku Yimid soo Bandhigista Xubnaha Aqalka sare ee Maamul Goboleedyada u matalaya Dowlada Cusub.

Isha ku haay K24 Markasto wixii ku soo Kordhaa Wararka Doorashooyinka