Top News

XOG: Khilaafkii QM iyo Villa Somalia oo Maanta la Xalinayo iyo Ceyrintii Haysom oo….

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaca ah ay si rasmi ah u xaliyaan murankii ka dhashay cayrintii Soomaaliya ee wakiilkii QM ee dalka, Nicholas Haysom.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in Maanta ay Muqdisho imaan doonto kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda, Rosemary DiCarlo.

Ms DiCarlo ayaa madaxda Soomaaliya kala hadli doonta, sida ay QM iyo Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo xallin lahaa murankii dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in imaanshaha Rosemary DiCarlo uu sidoo kale billow u noqon doono dib u billaabashadii rasmiga ah ee howlihii xafiiska QM ee Soomaaliya, oo tan iyo markii uu muranka dhacay si gaabsi ah u shaqeynayey.

Inta badan, shaqalaaha QM ee Muqdisho ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi muddo bil, sababo lagu sheegay amni, kadib weerarkii hoobiye ee lagu qaaday xafiiska QM ee xarunta Xalane, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in arrimo siyaasadeedna aysan meesha ka marneyn.

Rosemary DiCarlo, ayaa kala hadli doonta madaxda Soomaaliya soo magacaabista wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya.

Related posts

Top News: Al-shabaab oo subaxnimadan xoog ku galay xarun AMISOM ay degenyihiin oo………….

admin

Kheyre” Dagaalka Tukaraq Waa In lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo

admin

Dhageyso: Warbixin ku saabsan Ganacsiga Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

admin