XOG: Khilaaf u dhaxeeya Madaxda Sare Miyaa Jira Maxaase leysku haya?

0

24kii saac ee la soo dhaafiyay waxaa aad loo hadal haayay khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka khilaafkaas oo salka ku haayo kala diriddii guddiga maaliyadda baarlamaanka iyo ciidankii Koonfur galbeed ay dowladda ka codsatay ee dhawaan Baydhabo la geeyay.

Marka laga eego kulamada dhacay iyo is faham waa madaxda soo kala dhexgalay waxaa ay sii adkeyneysaa Xiisadda ka dhex jirtay golaha shacabka.

Ra’isul Wasaare kheyre iyo guddoomiye Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida waxaana guddoomiyaha baarlamaanka uu ku adkeystay in sharci darro ay tahay kala diristii guddiga maaliyadda iyo ciidankii Baydhabo la geeyay.

Arrinta ugu muhiimsan ee la isku haayo waxaa ay tahay in dowladdu ay Roobow u fasaxdo doorashada koonfur galbeed waxaana guddoomiyaha baarlamanaka uu madaxda dalka ka codsaday in Roobow xayiraadda doorashada laga qaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu doonayaa in uu meesha ka saaro tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu hoos tago xukumadda islamarkaana uu yahay Guulwade Nabad iyo Nolol ah.

Geesta kale guddoomiyaha wuxuu ka baqdin qabaa in uu maro wadadii uu jawaari maray mar haddii uu ka horyimid Rabitaanka Xukuumadda Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filaya in uu kulan la qaato guddoomiye mursal kaasi oo waxbadan looga beddeli doono Mowqifkiisa.