Top News

XOG: Khilaaf soo kala dhex galay Kheyre iyo Odayaasha Beesha Habar gidir

Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Beesha Habar gidir ay isku fahmi la’yihiin shaqsiga lagu bedelayo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo lagu wado in isku shaandheyn uu sameyn rabo Kheyre xilka looga qaado.

Ra’iisul wasaaraha ayaa doonaya in isbedel lagu sameynayo Golaha Wasiiradda looga faa’iideeyo Xildhibaanada taageersan Dowlada iyo sidoo kale in lagu soo xero galiyo kuwa ku kacsan Dowlada si ay kaga mid noqdaan Nabad iyo Nolol.

Odayaasha Beesha Habar Gidir ayaa Ra’iisul wasaaraha u cadeeyay in shaqsi ay iyaga wataan ay doonayaan inuu xilkaasi qabto, iyagoona codsaday in meesha laga saaro xujada ah in shaqsi Xildhibaanada ka mid ah Kursigaasi wasiirka loo magacaabo.

Kheyre ayaa hore Beesha Habar Gidir kaga codsaday in Xildhibaano ku matala Baarlamaanka Soomaaliya midkood ay keensadaan wuxuuna si gaara farta ugu fiiqay Xildhibaan Mahad Salaad isagoo ka codsaday isagoo doonayay inuu soo daro Nabad iyo Nolol si Mucaaradnimadiisa u yaraato laakiin Mahad Salaad ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo Beesha Habar gidirna aysan ku qanacsaneyn in Mahad xilkaasi loo magacaabo, waxayna wataan shaqsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

Inta ugu badan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay taageersan yihiin siyaasadda Kheyre waxayna taasi ku timid in kuwa ugu dhaq dhaqaaqa badan uu ka dhigay Wasiiro halka kuwa kalena uu balanqaadyo waa weyn u sameeyay.

Related posts

SAWIRRO:- Madaxweynaha Hirshabeelle Oo gaaray magaalada Baydhabo.

Ahmed sudani

DAAWO: SOO DHAWAYNTII CALI XAAJI WARSAME EE MANTA LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA MUQDISHO IYO KALSOONIDA UU HAYSTO OGOW.

admin

Mareykanka Oo Si layaab leh Uga Baxay Heshiiskii Niyukleerka Iran.

Ahmed sudani