XOG: Khilaaf hareeyay Xisbiga uu Kheyre doonayo inuu dhisto iyo Shaqsiyaad caan ah oo….

0

Warar hoose ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu wado qorshe Xisbigiisa gaarka ah ay kaga soo muuqanayaan Xildhibaano saameyn ku leh Soomaaliya, Masuuliyiin xilal hore usoo qabtay iyo Wariyeyaal caan ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay shalay Guddi uu u saaray Abaabulka iyo isku duba ridka Xisbiga Ra’iisul wasaaraha, sida uu inoo sheegay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Kheyre waxaa loo arkaa inuu ku jiro olole siyaasadeed, waxaana dad badan u muuqata inuu haminayo tartanka doorashooyinka madaxtinimada ee 2021, maadaama guuxa ugu badan uu yahay in nidaam xisbiyo ah lagu gali doono doorashadaas, Farmaajana uu u muuqdo mid u baahan inuu dib usoo laabto waxaa la is weydiinayaa sidey isku qaban karto iney hal xisbi ku midoobaan.

Xisbiga Kheyre ayaan wali la diiwaan galin waxaa dhowr jeer dib loo dhigay qorshe lagu diiwaan galin rabay maadaama Khilaafyo ay hareeyeen.

Kheyre iyo Farmaajo aad ayay isugu dhow yihiin, marka la eego sida ay illaa iyo hadda u wada shaqeeyaanna, waxaa muuqata inay ku socdaan wadda ka duwan madaxdii ayaga ka horreeyey oo ah inaysan iskhilaafin. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana in labadooda ay wada tartamaan 2021, waxaa dadka qaar u arkaan inaysan ahayn kala fogaansho, balse ay tahay inay laba af wax ku raadiyaan, si siyaasadahooda usii socdaa wixii dhaafsan 2021.