XOG: Kheyre oo ku Fashilmay Qorshahiisa Isku shaandheynta Wasiirada kadib Beelo ku dhagay

0

Xog gaara ayaa sheegeysa in markale uu fashilmay qorshaha uu waday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku doonayay inuu isku shaandheyn ugu sameeyo Golahiisa Wasiiradda.

Qorshahan ayaa waxaa fashiliyay Muran iyo dood ka timid habka kuraasta Wasiiradda Xilalka laga qaadayo loo qeybsanayo, iyadoo si gaara ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya cadaadis u saareen Beelaha Habar Gidir iyo Abgaal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa doonayay in isbedel lagu sameynayo Golaha Wasiiradda loogana faa’iideeyo Xildhibaanada taageersan Dowlada iyo sidoo kale in lagu soo xero galiyo kuwa ku kacsan Dowlada si ay kaga mid noqdaan Nabad iyo Nolol.

Odayaasha Beesha Habar Gidir ayaa Ra’iisul wasaaraha u cadeeyay in shaqsi ay iyaga wataan ay doonayaan inuu xilkaasi qabto, iyagoona codsaday in meesha laga saaro xujada ah in shaqsi Xildhibaanada ka mid ah Kursigaasi wasiirka loo magacaabo.

Inta ugu badan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay taageersan yihiin siyaasadda Kheyre waxayna taasi ku timid in kuwa ugu dhaq dhaqaaqa badan uu ka dhigay Wasiiro halka kuwa kalena uu balanqaadyo waa weyn u sameeyay.