Animation

XOG: Kheyre iyo Axmed Madoobe oo isku fahmi waayay waxa laga yeelaayo ciidanka ku xareysan Duleedka Kismaayo. ” Daawo”

no responses
Sunday July 16, 2017 - 9:41 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault

Dhawaan waxaa Booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo Raisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, kaasi oo muddo sadex cisho ah halkaasi ku sugnaa.

Kheyre ayaa lakulmay Hogaamiyaha Jubbaland axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen.

Waxaa jira xogo qarsoon o sheegaya in Kheyre uu axmed madoobe kala hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee Xabsi guriga ku ah Duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaas oo uu axmed codsaday in Xitaa aan lagu soo hadal qaadin, warkaas oo uu Kheyre aad uga naxay.

Xubno Kheyre ka agdhaw ayaa inoo sheegay in wajigiisa ay caro abdan soo fuushay, isagoo ugu dambeyn go’aan ku gaaray in uu madaxweyne Farmaajo talo kula laabto, arintaas oo lafilaayo markii uu muqdisho kulaabto inuu ka ahwlgalo.

Hoos ka daawo Muuqaal muujinaya Xogtani qarsoon.