Animation

XOG: Kala shaki & Khilaafyo wejiyo badan leh oo hareeyey Shirkii Madasha wadatashiga Qaran…

no responses
Thursday September 8, 2016 - 7:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shirkii Madasha Hogaanka Qaran ayaa maalintii Sedaxaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, iyadoo shirka ay hareeyeen khilaafyo wejiyo kala duwan leh iyo kala shaki.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Wararka hoose oo laga helayo xarunta shirku uu ka socdo aya sheegaya in madaxda halkaas ku kulansan laga dhex dareemayo Cagajiid iyo kala qeybanaan ay sababeen arrimo badan oo la kala tabanayo.

Arinta musharaxnimada raisul wasaaruhu ku dhawaaqay ayaa culeys miisaan leh ku yeelatay madaxaweynaha taasoo shirka si weyn looga dareemay.

Madaxweynaha ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucay magacaabida xilal cusub, dalacsiinta ciidamada iyo bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, waxaana go’aanadan la sheegay in madaxweynuhu culeys ku saarayey raisul wasaaraha oo si hoose u magacaaabay todobaadyadii la soo dhaafay masuuliyiin kala duwan taasoo madaxweynuhu ka carooday.

Xasan Shiikh iyo C/wali Gaas ayaan iyana isku wanaagsaneyn tan iyo markii gaas uu warbaahinta hadalo aflagaado ah u soo mariyey madaxweynaha, isagoo ka jawaabayey hadal ku jiray wareysi Xasan Shiikh uu bixiyey oo ku saabsanaa gobolada Puntland.

Arintan ayaa ka sii dartay markii maamulka Puntland uu si cad uga hor yimid go’aan dowlada Somalia ku mamnuucday in garoomada dalka ay ku soo degaan dayuuradaha Qaadka Kenya, waxaana Puntand ay sheegtay in go’aankaas uusan khuseyn, iyadoo dhinaca kale qeyb ka ah mamaaulada hoos taga dowlada Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa iyana isku haya cida yeelaneysa awooda soo xulista Xildhibaanada Digil iyo Mirifle, waxaana Shariif Xasan uu doonaya inuu markan iska hor wareejiyo Jawaari oo afar sano ka hor daaqada ka tuuray damacii Shariif Xasan kaga jiray inuu doorasho madaxweyne galo, ka dib markii jawaari uu ku soo baxay gudoomiyaha Baarlamanka xiligaas.

Waxaa sidoo kale shirka la degay arrimo kale oo ay ugu waaweyn yihiin Xiisada Puntland ee Galmudug ee Gaalkacyo, diidmada C/kariin Guuleed ee xubnaha aqalka sare loogu daray Puntland, raisul wasaare ku-xigeenka oo ka hor yimid xubnaha aqalka sare ee laga jaray Somaliland iyo arrimo kale.

Khilaaf kasta oo jira iyo wax kasta oo la kala tabanayo ugu dambeyn waxaa laga sugayaa iney madaxdan soo saaraan heshiis ay isku raacsan yihiin oo lagu dhaqaajiyo hanaanka doorashooyinka wadanka ee fadhiidka noqday, iyadoo xitaa laga cabsi qabo in doorashooyiinka madaxda sare ee dalka ay dib dhacaan, lugahana la galaan sanadka cusub ee soo socda.

Maadaama 10ka bishan oo dhowr cisho ay naga xigto uu Muqdisho ka furmayo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD madaxda Soomaalida waxaa qasab ku ah iney dhinac iska dhigaan waxyaabaha ka dhex jira, wax ay isku raacsan yihiina soo bandhigaan.