Animation

Xog: Kacdoon SHacab Oo Muqdisho La Filayo In Uu Ka Dhaco, Iyadoo………………..

no responses
Saturday September 10, 2016 - 6:06 under Somali News by Tifaftiraha K24

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay iney kacdoon sameyn doonaan haddii aanay dowladda Soomaaliya degdeg wax uga bedalin cadaadiska shacabka la saarayo.

Qaar ka mid ah dadkani oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay u dulqaadan waayeen cadaadiska badan ee ay kala kulmayaan dowladda Federaalka gaar ahaan waddooyinka xiran.

“Dowladda waxaan leenahay markaan kadib ma dulqaadan doonno, ciidan dhiga laamiyada laakiinse gaadiidka yaan la celin, waa macquul in la xiro waddo balse dhammaan waxaasi ma yeelayno” waxaa sidaasi yiri Shaafici Cali oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Sidoo kale qof kale oo reer Muqdisho ah ayaa yiri “Dowladda Isgoys walbo Afar Askari ayey dhigtay shacabka la celinayana waa Saddex Milyan, waxaan leenahay haddii aan cadaadiska nalaga qaadin waan la dagaallami donnaa askartaasi”.

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Muqdisho cadaadis ballaaran saarta marka ay madax imaanayaan magaalada ama shirar muhiim ah la qabanayo.