XOG: Kacdoon ka dhan ah Axmad Madoobe oo kusii xoogeysanaya Deegaannada Jubbaland

0

Xili meel xasaasi ah ay mareyso siyaasadda Maamulka Jubbaland iyo Hoggaanka maamulkaas oo ku fashilmay in jubbaland horay u dhaqaaqdo ayaa waxaa hadda sii kordhaya kacdoonka looga soo horjeedo axmad madoobe.

Siyaasiyiin waxgarad xildhibaanno iyo xetta xubno sar sare oo maamulka Jubbaland ka tirsan ayaa wada qorsha culus oo ay ku doonayan in ay meesha uga saaraan hoggaamiyaha fashilmay ee axmad madoobe.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulka Jubbaland ayaa aad looga dareemaya guuxa siyaasaddeed ee looga soo horjeedo axmad madoobe waxaana la sheekeystay siyaasiyiin dhowr ah oo ii sheegay in hadda la joogo xiligii jubbaland baal cusub oo taariikh ah u furi laheyd meeshana looga saari lahaa Madoobe.

Xog aan si gaar ah u helnay ayaa muujineysa in kacdoonka lagu ridaayo axmad madoobe uu kusii baahaayo guud ahaan deegaannada jubbaland gaar ahaan Gedo iyo Kismaayo.

Gedo Xubno ku sugan ayaa kismaayo24 u sheegay in odayaal,waxgarad iyo siyaasiyiinta ay u arkaan in la gaaray xiligii jubbaland ula jaan qaadi laheyd maamullada kale ee dimoqraadiyadda ay ka jirto .

Axmad madoobe oo si aad u qarribay xiriirka jubbaland ee dowladda dhexe ayaa quus ka taagan in uu xajisto kursiga hoggaaminta jubbaland ee mudada uu iska heystay.

Nidaamka kali talis ee madoobe isaga isugu gaar yeelay jubbaland ayaa dad badan waxa ay u arkaan mid haadaanta ka riday sumacaddii iyo rajadii axmad madoobe ka lahaa jubbaland.

Xubnaha ugu sar sareysa ee maamulka Jubbaland ayaa qudhooda waxa ay u arkaan axmad madoobe in Jubbaland uu haadaan kasii ridaayo ayna tahay in meel looga soo jeesto sidii loo bad baadin lahaa jubbaland iyo siyaasaddeed aan cirka heehaabeysa.

Wararka ugu dambeeyo kacdoonkaan jubbaland ka socda waxaad si joogta ah ugala socon doontaa kismaayo24 oo ah mareegtada loogu aqris badanyahay deegaannada Jubbaland.