Animation

XOG: K24 oo Heshay Xubnaha Aqalka sare Puntland ay soo diyaarisay iyo Siyaasiyiin Mug weyn oo ka Dhexmuuqda

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 11:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shabakada Wararka Kismaayo24 oo si Dhaw ula socota Dhaq dhaqaaqa Doorashada Soomaliya ee 2016-ka ayaa heshay Xog Hoose oo ku saabsan Xubnaha Aqalka Sare u Matalaaya Maamulka Puntland.

Xubnahaan oo ay ka Muuqdaan siyaasiyiin Caan ah ayaa La filaaya in Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas uu u Gudbiyo Xildhibaanada Baarlamanka Puntland kadibna ay iyaga soo Ansixiyaan sidaasna loogu so gudbiyo Guddiga Doorashada Dadban.

11-ka xubnood ee Puntland ay saami qaybsiga ku heshay, ayaa la diyaarin doonaa inta ka horraysa 6-da October 2016, lasoo bandhigi doono guud ahaan 54-ta xubnood ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas ayaa Maalmahan aad ugu mashquulsanaa sidii uu Beelaha Puntaland Dagan uguq ancin lahaa Xubnahaan ay Puntland ku heshay Saamigi la qeybiyay .

Hadaba Xubnaha Qaarkood ee K24 ay heshay ayaa kala ah

 

  • Dr. Cali Xaaji Warsame (Musharax madaxwyne 2016).
  • Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole (Musharax madaxwyne 2016).
  • Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake (Musharax madaxwyne 2016).
  • Axmed Cabdi Xaabsade.
  • Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
  • Proff. C/risaaq Cismaan Xassan Juurile.
  • Gen. Maxamed Siciid Moorgan

Guddiga Doorashada ayaa Ugu dambeyn Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ka Dalbaday in ay soo gudbiyaan Xubnaha aqalka sare inta ka horraysa 6-da October 2016.