Animation

Xog: K24 oo heshay xogta Rasmiga ah ee ka danbeysa socdaalka uu Axmed Madoobe ku aaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

no responses
Saturday October 31, 2015 - 3:46 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam ayaa gaadhay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,waxaan safarka Madaxwayne Axmed Madoobe ku weheliyey xubno ka tirsan Maamulkiisa,waxayna Mas’uuliyiinta gaadheen galinkii danbe ee maanta.

Xog hoose oo aan ka helay Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegaysa in Madaxwaynuhu oo Magaalada Naiorbi u tagay arimo la xidhiidha tashi qaab dhismeed Golaha Wasiirada Maamulkiisa,sidoo Kale uu doonayo in uu kulamo ka qaato Saraakiil ka tirsan IGAD oo ay ka soo yeedheen hadalo ka turjimaya in ayna ku qanacsanayn qaab dhismeedka Golaha Wasiirada uu Axmed Madoobe Soo wado.

Maxamed Cabdi Afay oo ah Ergiga Dowladdaha IGAD ee Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyey Maamulka Jubbaland ooga digaya in ayna ku deg degin Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland,wuxuuna Maxamed Cabdi Afay Madaxwayne Axmed Madoobe u gudbiyey aragtida IGAD ay ka qabto dhismaha golaha Wasiirada,Arintaas ayaana keenta in Madaxwayne Axmed Madoobe uu markaliya dib u dhigo dhismihii Golaha Wasiirada,Wuxuuna ka codaday Mas’uuliyiinta IGAD in ay Kismaayo yimaadaan iyadoo Shirkii Muqdisho ee Madasha kadib Kulan gaar ah oo ay halkaas ku yeesheen ay Mas’uuliyiintaas ku gacan saydheen.

Sida ay Saraakiisha Jubbaland Xaqiijiyeen,Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa siwayn u tixgaliyey Codsiga beesha Caalamka Iyo Saraakiisha IGAD,wuxuuna u arkay in farsamo ahaan ay muhiim tahay,maadaam ay jiraan xaalado sidhab ah loogala hadalay,kuwaas oo marka lafiiriyo xaqiiqooyinka yaala gudaha wadanka ay dhab ahaan u taabatay fariimaha loo keenay Madaxwyanaha Maamulka Jubbaland.

Safarka Axmed Madoobe ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa xigi doono Safar kale o uu ku tagi doono Magaalada Adis abab,halkaas oo uu kulamo wadatashi ah ku soo qaadan doono,iyadoo aan wali la ogayn xiliga uu dib oogu laaba Magaalada Kismaayo.

Dhanka Kale dadka Jubbaland ayaa aragtiyo kala duwan ka qaatay dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland,waxaan jirin in ilaa hada ayna jirin wakhti dhab ah oo uu sheegay Madaxwayne Axmed Madoobe in lagu soo dhisi doono Golaah Wasiirada Maamulka Jubbaland

Sikastaba Beesha Sade Ayaa dhinaceeda qeyb ka ah dib u dhaca soo wajahay magaacaabidda Golaha wasiirada ee Jubaland iyadoo beesha Caalamka ay Axmed Madoobe ku adkeysay inuusan soo dhisin Golaha fulinta ee maamulkiisa inta beesha Sade diidantahay saamiga awood qeybsiga Jubaland.

Facebook Comments