Animation

XOG: ITOOBIYA oo Musharax Miisaan Culus u Ololeyneysa + A.Madoobe & Shariif Xasan oo Gaaray Adis Ababa, Iyadoona……………………

no responses
Monday September 26, 2016 - 7:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in qaar kale ay ku biiraan dhowaan.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxda Adis ababa joogo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan waxaa la filayaa inay ku biiraan Cabdi Weli Gaas iyo Cabdi Kariim Guuleed.

Xubnahan ayaa halkaas u jooga shir ay ugu yeertay dowladda Ethiopia oo looga hadlayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo inay dhowaan dhacdo.

Dhinaca kale Xogta ayaa sheegeysa in dowlada Ethiopia oo dhowr bil ka fakareysay cidda ay taageri lahayd ayaa go’aan ku gaartay inay taageero madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la filayaa in madaxda maamul goboleedyada ay ku cadaadiso taageerada Xasan Sheekh iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen inay soo xulaan xildhibaano codkooda siin doona Xasan.

Waxaa la rumeysan yahay in inta badan ay diyaar u yihiin inay aqbalaan amarka Ethiopia, marka laga reebo Axmed Madoobe oo ku andacoonaya in Xasan uu ballamo badan uga baxay.