Animation

XOG: isbaheysi qarsoodi ah & Xilalka Dowlada Cusub oo sidaan Siyaasiyiin Daarood & Hawiye u qeybsadeyn…

no responses
Sunday September 11, 2016 - 6:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharixii Madaxweynaha sanadkii 2012 oo dad badan u saadaalinayeen inuu guul ka soo hoyn doono doorashii uu galay ayaa mar labaad mugdi ku jiraa inuu u sharxan yahay xilka Madaxweynaha.

Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow ayaa xog aan helnay sheegeysaa inuu musharaxnimadii xilka Madaxweynaha uga tanaasulay R/wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed isagoo heshiis hoose kula galay inuu noqdo R/wasaare, haddiina uu ku guuleysto xilka.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxaana arrintan ay dad badan oo taageerayaashiisa ka mida ku abuurtay niyad jab, iyadoo weliba rajo badan laga qabay inuu doorashada 2016 meel fiican kasoo geli karay.

Wuxuu ka dhex muuqdaa musharixiinta shaaciyay inay u taagan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo aan musharax ahayn, waxayna dad badan rumeysan yihiin inuu ka fursad wanaagan yahay musharax uu daba galay.