Somali News

XOG HOOSE: Xukuumada Soomaaliya oo Musharaxii Galmudug ay la rabtay uga baxdey.

Ra’isulwasaare Kheyre iyo dowladda oo markii hore la sheegay inay gadaal ka riixayeen Cabdulaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada oo kasoo jeedo Beesha Duduble ayaa hadda wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inuu isbadal weyn ku imaaday go’aankaas.

Madaxda ugu sareyso dalka ayaa isku raacay ugu dambeyn in musharaxooda Galmudug uu noqdo Wasiir Axmed Cabdi Qoor Qoor maadaama ay qasab tahay in la qanciyo Beesha Saleebaan oo ka gadoodsan in looga baxay ballan ku aadan inay Cadaado noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna magaalada ka dhacdo Doorashada Maamulkaas.

Qoor Qoor ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta ay ku tashato Nabad iyo Nolol isla markaasna laf dhabar u ah ololaha ay ka wado Galmudug ayey isku raacday inuu noqdo musharaxooda.

Qoor Qoor oo kasoo jeedo Cadaado ayaa wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmayaa Xildhibaanada ay isku Beesha yihiin oo ay ugu horeeyaan XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir kuwaas oo ku sugan Cadaado isla markaasna meel ku xirtay Odayaasha Cadaado kuwaas oo qorshuhu yahay inay gebi ahaanba qaadacaan inay doorasho ka dhacdo Cadaado.

Related posts

Daawo Muuqaal: Xaafaddo ka Tirsan Magaalada Kismaayo oo laga baqdin qabo in Biyaha Bada ay ku soo fatahaan

admin

AMISOM oo dad shacab ah bartamaha Magaladda Marka ku diley.

admin

Dhagayso:- Maamulka Degmadda Afmadow oo sheegay inay Dulaan ku yihiin Jilib

admin