XOG HOOSE: Gudomiyaha Barlamanka Maamulka Puntland oo qarka usaaran in Xilka Laga tuuro.

0

Hadal heynta ugu badan ee Deegaanada Puntland Maanta ayaa Muujinaysa iney Jiraan Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada oo wada Abaabulka Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), Sida uu maanta Garowe ka sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo oga digay Xukuumadda iney Falkaasi Ku dhaqaaqdo.Hadal heynta ugu badan ee Deegaanada Puntland Maanta ayaa Muujinaysa iney Jiraan Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada oo wada Abaabulka Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), Sida uu maanta Garowe ka sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo oga digay Xukuumadda iney Falkaasi Ku dhaqaaqdo.
Arintaan oo noqotay Caado lagu yaqaano Xukuumad kasta iney sameyso Xiliga doorashada Kadib, ayuu sheegay ineysan aqbali doonin in la keensado Guddoomiye Lagu Adeegto.
Bishii October 2015 ayeey aheyd markii Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee xiligaasi ay muddo 24 saac gudahood ah ku abaabuleen Mooshin ka dhan ahaa Afhayeenkii Baarlamaanka ee wakhtigaasi Siciid Xasan Shire, waxaana saxiixay Mooshinkaasi Xildhibaano gaaraya 42 Mudane.
Waxaana lagu soo eedeeyay Qodobo ay kamid ahaayeen.
* Xil gudosho la’aan.* Musuq-Maasuq.* Iyo In uu maroorsadey awooddii Madaxweyne ku-xigeenka
25-ka Bishan October oo La filayo inuu furmo fadhiga Baarlamanka ayaa la sugayaa Sidey.

By: Farhan Saciid.