Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Xog hoose:  Dawlada Imaaraadka iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo kawada hadlay arrinta Siyaasi  C/raxmaan C/shakuur.

Warar lagu kalsoonyahey ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Kheyre saacadihii ugu danbeeyay kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay dhaxal sugaha Imaaraada Abu Dhab ahna ku­xigeenka Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Dhanka kale Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa si qoto dheer uga wadahadlay arrimaha Somalia, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Isgarabtaaga iyo arrinta CC Shakuur oo xubin ka ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee sida dhow ula shaqeeya dowlada Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in Somalia ay ku taameyso inay dib ula soo noqoto dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Madax­banaanida iyo Amniga oo uu sheegay in ilaa iyo xad ay wax muuqda ka qabteen.

Related posts

Masuuliyiin Kenyan ah oo Soo Jeediyey in qaxootiga Soomaliyeed ee Kenya la raro.

admin

DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Gudaha Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho

admin

Guddoomiyihii Kooxda Ol olaha Musharaxa Trump oo hal Arin Darteed Isku Casilay ( Tollow Maxay tahay Arintaas? )

Tifaftiraha K24