Animation

XOG : Halkee gaaray musuqmaasuqa Somalia afar sano kadib doorashadii Madaxweyne Garguurte!! ..?

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 7:43 under Breaking News by admin
mqdefault

 

 

 

Afar sano kadib halkee Madaxweyne Xasan Sheekh gaarsiiyay Jamhuuriyadda Somalia ? muxuu qabtay ? maxaase lagu xasuusan doonaa dhinaca musuqmaasuqa ? Akhri qormadaan dheer ?

Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa argagax iyo filan waa ku noqday musuqmaasuq gaaray heerkii ugu xumaay Somalia kaas oo kooxda Damujadiid ee Madaxweyne Xasan Garguurte ugu dhiirateen iney iska xareeystaan ergo iyo odayaal dhaqameedyo been abuura kuwaas oo codeeyn lagu tilmaamay shimbirayahoow heesa ugu codeeyay shaqsiyaadka Urur diimeedka Damujadiid horbooda iyo kuwa u nacamleeya ee ku tiirsan.

Hay’adda daahfurnaata caalamigga ah (Transparency International) waxay ku qeexday Musuqmaasuq in uu yahay “Ku takrifalka xil laguugu aaminay oo aad danno gaar ah ku fushatay” Waxaanna loo qaybiyaa musuqmaasuq wayn, mid yar iyo mid siyaasada ah, waxayna ku xiran tahay lacagta la kala qaatay iyo halka uu ka dhacay.

Musuqa wayn waa kan marin habaabiya islamarkaana wiiqa dawladnimadda iyadoo ay madaxda sare ee dawlada ka macaashaan hantida qaranka. Musuqa yar waan kan saraakiisha hoose ama dhexe ee dawladda ay xilka lagu aaminay ku takri falaan kagana danaystaan falagalinta maalinlaha ah ee ay muwaadiniinta la yeeshaan, sida xarumaha caafimaadka, iskuulada, booliska iyohay’adaha kale ee dawlig ah. Halka uu musuqa siyaasadeed ka yahay in awooda siyaasadeed iyo hantida qaran loo adeegsado iyo xukunka, dhaqaalaha iyo maqaamka bulsho lagu ilaashado .

Isbahaysiga Xisbiyadda siyaasadeed wuxuu isagoo kaashanaya hay’add Marqaatisameeyey baaritaan la xirira Musuqmaasuqa, dhaca iyo boobka dalka ka jira, kaasoo magaca dawladda lagu sameeyey. Waxaan dadwaynaha Soomaaliyeed u soo bandhigayaa xog horudhac ah oo la xariirta noocyada, xarumaha iyo hay’adahamusuqmaasuqa ku kaca, iyadoo mudo aan fogayn gudaheed Magac-dhabid iyo Canbaarayn “Name and Shame” ku samayn doonaa magacyadda dadka , iyo shirkadaha musuqmaasuqa ku hawlan.

Musuqmaasuqa Dhulka: Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay ahay dawlad hanti wadaag ah oo dawladdu gacanta ku hayso inta badan hantida dalka. Ku dhowaad 1/3 hantida ma guurtada ah iyo dhismayaasha muuqa leh waxay ahaayeen kuwo dawladda milkigeeda ah. Dawladihii KMG ahaa marna ma taaban hantidii dawladda. Laakiin markii KMG gaarkii laga baxay dawladda haatan jirta waxay ku dhaqaaqday xeelado cusub oo ay ku xalaalaysanayso hantii dawladdu

1 -lahayd. Xeeladahaas waxaa ka mid ” Waa laga maarmay” ” Waa la liis gareeyeyama la ijaaray ”. Dhulalka Tuulo Xaaraan, Airport-ka, Asluubta, Duurjoogta, Barxaddii Sayidka, Jardiinooyinkii magaalada, guryihii dawladda ee badda ku teedsanaa, xerooyinkii ciidamada iwm waxaa loo qaybiyey masuuliyiin dawladeed, oo qaarkood dib u sii iibsaday ayagoo doonaya in ay tartanka xildhibaanada ku galaan. Waxaa kaloo jira in Hoteeladii SYL, Curuba, Juba, Kuraaja Dala Suud, wakaaladdii filimiada, iskuuladii, Carwadii, xaruntii xisbiga, guryihii bangaariyada, Kaalimadii Shidaalka iwm la sheegay in la ijaaray oo dad lacago lagu qaraaba-kiilay.

Musuqa Canshuuraha: Canshuurihii dalka waxaa loo samaystay shirkado gaar ah oo lagula heeshiisay in ay canshuurta qaadaan saami naas nuujin ahna ka qaataan. Shirkadda Intifaac oo canshuurta Guryaha Muqdisho qaadda, Shirkadda MTN oo canshuurta sabra loogooyinka, ID caarada iwm qaadda. Ma jiro sharci canshuuraha oo baarlamaanku ansixiyey, mana jirto dabagal, la xisaabtan lagu sameeyo shirkadahaas. Waxaana jira in saamilayda shirkadahaas ay yihiin dad xiriir ganacsi, qaraabonimo la leh madaxda sare ee dalka.

Canshuuraha Adeega ( Service fees) Waxaa dalka laga abuuray shirkado gaar loo leeyahay oo inta badan ay qayb ka yihiin madaxda sare ee dawlada, dad ehel iyo qaraabo la ah iyo kuwa ganacsi shirkad kula ah oo lacago khidmo ah ka qaata dadwaynaha iyagoon wax adeeg ah siinin. Tusaale ahaan khidmadda lagu magacaabo Canshuurta barriga, Tarisimataalaha (Road Tax), Taargooyinka, Laysanka gawaarida, Fiisahayaasha, ID karaka iyo Baasaboorka. Dhamaantood wax sharci ah laguma bixin, mana soo marin tartan xalaal ah oo dadkaasi ku guulaysteen shaqadaas, ma bixiyaan wax khidmada ah oo la taaban karo, mana lala xisaabtamo.

Qandaraasyadda: Qandaraasyadda laguma bixiyo tartan hufan oo xalaal ah. Waxaa intooda badan lagu naasnuujiyaa dad xigto ah, shirko ganacsi ama dhaqaale looga bedeshay in qandaraasyada ay qaataan. Shirkadda ugu badan ee qandaraaska qaadata waa shirkadda Al-khayraad taasoo madaxweynuhu milkiilayaasheeda ka mid yahay. Alkhayraad waxay haysataa Qandaraaska Booliska iyo Nabadsugidda lagu siiyo raashinka & Shidaalka, Qandaraaska dhismaha guryaha iyo xarunta saadaasha hawada, qandaraaska dhismaha xabsiyadda dalka, qandaraaska madaxtooyada lagu dayactirayo, iyo qandaraasyo kale oo badan. Guddiga Maamulka Maaliyada ee ay dawladda iyo xubo heer caalami ah ku jiraan waxay dib u eegis ku sameeyeen 11 qandaraas oo waawayn oo ay soo jeediyeen in lagu noqdo sida loo bixiyey iyo dadka la siiyey, laakiin dheg jalaq looma siinin.

Musuqa Ganacsiga: Dekeda Muqdisho way xirdeen maalmihii la soo dhaafay iyadoo ay ganacsatadu ka cawdeen canshuur iyo khidmad kordhin, gaartay alaabta kasoo degta Boosaaso ee Jowhar timaada in ay ka raqiisan tahay tan Xamar timaada ee Jowhar la geeyo. Waxaa dekedda la keenay Shirkad Turki iyo Soomaali isla leeyihiin taasoo baaraysa tayada raashinka iyo dawada dalka timaada. Shirkadu ma haysato qalab ay wax ku baarto laakiin sanad ka dib markii ay khidmadda qaado ayey qalabka la imaanaysaa. Waxaa la sameeyey dekeda qalalan. Konteenar kasta ee ganacsi ee dekedda kasoo baxa waxaa qasab ah in la soo marsiiyo Dekeda Qalalan iyadoo laga qaadayo $300 taasoo ka dhigan midda adduunka ugu qaalisan. Waxaa sidoo kale la sameeyey Ayboorka qalalan oo la doonayo in $30 laga qaado

2 – Ruux kasta oo dalka ka dhoofayo, laguna baaro xarun ku taala jidka ayboorka inta uusan dhoofin, taasoo ayana qeyb ka noqoneysa naasanaha la nuujinayo dad xigta la ah madaxda dalka. Waxaan ka nabad-galin kooxahaan macaash doonka ah gaadiidka ay ugu yar tahay bajaajku oo si maalinle ah lacago aan ku xaroon bangiga laga qaato.

Musuqa Sahay Safar iyo Ciidanka Xooga dalka: Shirkad gaar loo leeyahay ayaa maamusha saadka ciidanka. Shirkadaas waxay Bangida Dhexe bishii ka qaadaa 1.5m hal milyan iyo bar doolar oo kaash ah. Ma jirto xisaab celin ama macaamil warqadeed (paper work) qarashayntaas la xariirta. Sahay Safar waa waxa ugu badan ee madaxda dalka ay lacagaha kaashka ah qasnada dawlada uga qaataan. Halkii safar madaxweynaha wuxuu qaataa 100k (Boqol kun oo doolar) halka uu RW ka qaato 40k (Afartan kun oo doolar) oo aysan jirin xisaab celin laga keeno.

Canshuur Dhaaf iyo Xatooyo Toos ah: Canshuur dhaaf waa xeelad dadka lagu dhaco. Si shirkadaha ganacsi ay canshuurta uga baxsadaan waxay ku soo qorayaan ganacsigooda in uu samafal yahay ama hanti dawladeed tahay. Waxay taas ku helayaan canshuur dhaaf, iyagoo laalush siinaya cidda arrinkaas u fududaysay. Lacagtii laga dhacay Bangiga Dhexe waxay soo ifbixisay in ay jiraan lacago si bareer ah khasanadda dawlada looga qaato. Waxaa kaloo jira in lacag kasta oo bangiga dhexe ka baxaysa khidmo soo bixin ah laga qaado.

Dhaca iyo boobka hantida guud iyo tan gaar ahaaneed waxey ka mid noqotey nolosha madaxda dalkeena, ayadoo wasiirada qaarkood, saraakiisha yar yar ciidamada iyo agaasime waaxyadeed ay dhisanayaan guryaha ugu dhaadheer, qaarkoodna ay leeyihiin ganacsiyo waaweyn, ayadoo aysan muuqan sharci iyo isla xisaabtan laga baqanayo, dhanka kalena aysan madax wax xisaabin karta oo ayagiiba ay yihiin gacmo kuwa was