Animation

Xog Halis ah: Xog Culus: Madaxtooyada soomaliya oo Saacadihii la soo dhaafay lagala baxay Hub iyo gaadiid oo…

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 1:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka soconeyso boob iyo bililiqo lagu hayo hantida qaran ee halkaa ku xareysan.

Agab u badan gawaarida aan xabadu karin, Hub iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaa la sheegayaa in lagala baxay Villa Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay.

Dadka arrintan sameynaya ayaa u badan xubno ku dhaw-dhaw Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Villa Soomaaliya ku yaalla Keydka 3aad ee wasaarada Gaashaandhiga, waxana la rumeysan yahay in hub badan lagala baxay saacadihii la soo dhaafay.

Dad falkan sameynaya ayaa qaarkood la sii ogaaday Magacyadadooda inkastoo aan weli warbaahinta loo soo bandhigin,

Xiligan kala guurka ah ee xil wareejintu ay dhaceyso ayaa inta badan waxa dhaca dhacdooyin u muuxda boob hanti qaran.

Sandkii 2012kii waxaa la soo wariyay in dad ku dhawaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay boob ku sameeyeen hantidii Villa Soomaaliya iyadoo la xiray dad lala xiriirinayay ficilkaas.