Animation

Xog Halis Ah: Akhriso Goobo Muhii ah oo Muqdisho ku yaala oo Weeraro Argaxiso ah Lala Damacsanyahay in lagu qaado

one response
Wednesday November 23, 2016 - 12:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xog Hoose oo k24 ay Heshay ayaa Waxa ay Muujinaya in Weeraro Qorsheysan oo Ismiidaamin ah lala Damacsanyahay in ay ka dhacaan Goobo Muhiim ah oo Magaalada Muqdisho ku yaala.

Xogta aan helnay waxa ay Muujineysa in Alshabaab ay Maleegayaan in Weeraro qaraxyo ah ay ka geestaan Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyo Xarumo Safaarado Dowlado shisheeye ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Ila wareedyada aan Xogtaan ka helnay waxa ay sheegayan in Weerarada Qaraxyada loo qorsheynaayo in ay ka dhacaan Goob ku taala Isgooyska Mashquulka Badan ee KM4 Waxaana Weli si Rasmi ah aan loo Ogaan Goobta Km4 ku taalo ee Qaraxa lala Bartilmaameedsan rabo .

Warar Hoose waxaan ku helnay in Bankigaga Caalamiga ee Primeir Bank uu Bartilmaamedka yahay Inkasto weli aan la Xaqiijin .

Sidoo kale Goobaha Weeraradaanlala Damacsanyahay ayaa waxaa Kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyo Xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Sida Xogta ka Muuqata Weerarka Xoogiisa wuxuu ku fool leeyahay Xarunta Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Iyadoona ay Xusid Mudantahay in Damu-jadiid ay Maalmahanba qorsheynayeen in Ay Albaabada isugu dhuftaan Xarunta Safaarada Imaaradka ee Muqdisho Maadama Dowlada Imaaraadka carabta ay ka Baxday Garabka Xasan shiikh waxaana Imaaraadka uu Hakiyay Dhamaan dhaqaalihii uu ka taageeri jiray Xasan Shiikh sidaasi Darteed Kooxda Xasan shiikh waxa ay Isku dayayaan in Gabi ahaanba Imaaraadka Carabta Dalka laga saaro oo Xiriirka loo jaro.

FG ah: Weerarada Argagaxiso ee Xogtaan lagu Helay waxa ay dhici karaan waqti kasto ee Fadlan Ka fogoow Goobaha aan kuuso Xusnay qeybta Kore ee Warkeena Mahadsanidiin.