Animation

Xog: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland oo jawaab ka bixiyay Hadalkii uu ka dhawaajiyay Wasiir Darwiish “Akhriso”

no responses
Friday November 13, 2015 - 11:03 under Somali News by admin
mqdefault

Maamulka Jubbaland ayaa Shir Saxaafadeed ay ku qabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose  ayaa waxay kaga hadleen,Xaalada ka soo cusboonaatay Xuduuda dhanka Balad-Xaawo,taas oo Dowladda Kenya ay qaaday Talaabadii ugu horeysay ee ay ku jeexayso Soodinta Cusub ee ay Kenya doonayso in ay samayso.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Warsame Darwiisha ayaa sheegay in marka hore ay ka xunyihiin waxa dhacay iyo dhaqankan Cusub ee Madaxda Kenya ay la soo bexeen isagoo sheegay in arintaas ay tahay mid ayna marna raali ka noqon doonin,Wuxuuna Sheegay in maamulkoodu ayna arintaas marna ka aamusi doonin.

“Saacad Walba Waxaan haynaa Warka Ciidamada Kenya ee Yimaada dhanka Xuduuda Balad-Xawo Waxaan toos oogu xidhanahay oo aan wararka ka qaadanaa Maamulkii Balad-Xaawo,Waxa dhacaya ma aha Wax aan raali ka nahay,Waana maqalay in Ciidamadu jeexeen goob cusub oo ay oogu talo galeen in ay ka dhigaan goobta ay Xuduudu marayo”Ayuu yiri Darwiish,oo intaas sii raaciyey Kenya waxay  Xuduuda Soo gudubtay Sadex Kiiloomitir.

Sida aan Xog hoose ku helay Hadalka Wasiirka ka soo baxaya ayaa ahaa mid ayna ka warhaynin Madaxtooyada Kismaayo,wuxuuna muran adag dhex maray Wasiir Darwiish iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sh Cabdi oo ah Ku siisimaha Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madobe oo Xiligan Safar oogu maqan Dalka Kenya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku andacooday in ayna Wax war ah ka haynin hadalka Wasiirka, isla Markaana  ayna jirin wax tashi ah oo laga sameeyey,ka hadalka Xaalada Xuduuda,oo ka maamul ahaan aan isaga nimaadnay “Wasiirka waa ku kali mana ogi wax uu sheegay Maamulkuna majiraan meel ay kagaga tashadeen” Waxaa sidaas Yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sh Cabdi.

Sikastaba Khilaafkan ayaa yimid markii Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Jubaland Jeneraal Darwiish uu hadal laf dhuungashay ku noqday Dowladda Kenya uu shalay ka sheegay Magaalada Kismaayo kaas oo salka ku hayay Khilaafka dhinaca Xuduuda ee soo kala Dhexgalay Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

 

M, Shaafici Cabdinuur

Muqdisho, Soomaaliya

ireportk24@gmail.com