Animation

XOG: Gorma ayu furmaya Shirka Nabada Jubbaland yase ka so qayb galaya..

no responses
Thursday November 26, 2015 - 1:37 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda qaban qaabadi ugu danbaysay ee logu diyaar garobayay Shirka Nabada Jubbaland oo dhamadka Bishaan ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Sida Kismaayo News Agency ay u sheegeen qaban qaabiyeyaasha Shirka  waxaa uu furmaya 29 ka Bishaan  waxana u soconaya mudo Usbuuc ah.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galaya Maamulka Jubba iyo Dhamaan Siyaasiyiinta Mucaraadka ku ah Maamulkaasi ee kala joga Gobolka Gedo iyo Gobolka Banaadir.

Si gaar ah waxaa Kismaayo24 logu xaqiijiyay in shirkaasi u imaan doono  Cabdi Shire Warsame oo ah wakiilka Col Barre Hiiraale iyo Xubno  weheliya sido kale waxaa Shirkaasi ka qayb galaya Masuliyiinta  Saxiixay Heshiiski Doolow ee buddhigaha u noqday Shirka ka furmaya Kismaayo.

Lama  saadalin karo natiijada rasmiga ah ee shirkaani ka soo bixi karta balse  marka la eego qabka uu u socdo abaabulka shirka  waxaa la oran kara waa shirki ugu rajadi ficnaa ee  loga hadlayo khilaafadka ka tagan Jubbaland.