Somali News Top News

XOG: Goormaa ayuu si Rasmi ah u Furmaya Wejiga Labaad ee Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh.dhexe

Wasiirka Arimaha Gudaha C/Raxmaan Maxamad Xuseen Odowaa oo shalay gaaray Dagmada Buulabuarde ayaa sheegay in uu Furmi doono wajiga labaad Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in degmada Buulo burde amnigeedu yahay mid la isku haleyn karo, isla markaana Sugidda nabadgalyada magaalada iyo dib u furista waddooyinka ay kala shaqeyn doonaan ciidamaa xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, si dib loo furo isu socodka waddooyinka.

Odowaa waxaa uu intaasi ku daray in shirka jowhar ka furmi doono uu ku rajo weynyahay in ay ka soo baxaan qodobo Mira dhala waxaana uu xusay in Buulabarde ay aad u wanagsantahay Amnigeeda balse ay u baahantahay kaliya in dayactir lagu sameyo meelaha bur bursan oo magaalada ku yaala.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka iyo Wasiirka Amniga ayaa shalay Socdaal ku tagay Dagmada Buulabarde waxaana halkaasi ay kula kulmeen masuuliyiinta dagmada qeybha kala duwan ee bulshada iyagoona socdaalkooda ku sheegay in ay tahay u kuur galida Xaalada Amni ee dagmada Buulabarde oo la qorsheynaayo in Caasimad ay u Noqoto Labada gobol marka ay Midoobaan oo Maamul loo dhiso

Related posts

Dhagayso Al-shabaab oo Dagmada Bandarbeyla garay iyo Gudomiyah Dagmadaas oo hadlay

admin

Maamulka Gobolka Banaadir oo fara galiyay xiisad ka taagnayd degmada Kaxda.

admin

Dhageyso:- Wasiirada Amniga, Arimaha Gudaha iyo Cadaaladda Puntland oo shir kaga qeybgalay Garowe

Tifaftiraha K24