Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

(XOG) Gogosha lagu Dhex Dhexaadinayo Imaaraadka iyo Somaliya oo la Dhigayo Riyaad

Sida ay daabaceen tiro warbaahin ah, Dowladda Sacuudiga ayaa isku xilqaantay in ay xal siyaasadeed ay ku wajahdo Xiisadaha kasoo dhex cusbnoonaanayo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Saraakiil katirsan Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in ay Gogol dhigayaan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga si ay ugu wada hadleen Wufuud ka kala imaanaya Dowladda Federaalka iyo Imaaraatka Carab oo aysan sheegin Maqaamkooda ama Darajadooda.

Sacuudiga ayaa qorshihiisu yahay in aanan u gudbin Khilaafka ka dhashay Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera ee u dhaxaayay Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland mid u dhaxeeyo Labada Dowladood.

Heshiiskaas waxaa qaraar ka dhan ah Shirkadda Dekedaha Caalamiga ee Dubai, iyagoona Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod ku ansixiyeen qaraarkaasi, dalkana kaga mamnuucay.

Sacuudiga ayaa saaxiib dhaw la ah Labadaan Dowladood, wasiirka arrimaha Dibadda oo dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbiyay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in mid kamid ah Dowladaha ururkaan xubnaha ka ah ay waan waan waddo, inkastoo aanan sheegin dalka ay tahay.

Boqortooyada Sacuudiga ma sheegin muddo Cayiman oo ay gogoshaan ku dhigeyso, balse Saraakiil katirsan ayaa laga soo xigtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Gogoshaan ay u dhigayaan Magaalada Riyadh.

Imaaraatka Carabta wali kama hadlin Heshiiskii Heshiiskii Berbera, Qaraarkii Baarlamaanka iyo Dacwadii Jaamacadda Carabta ay u gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Toos Baardheere: Taliye Booliis oo ay Dowladda u Magacowday Degmada Baardheere oo Maalintii Sadexaad u Xiran Ciidamada AMISOM.

admin

XOG: Dhageyso Shaki Xoogan oo ka dhashay waxa isku soo beegay in Marqura ay gubtaan Cisbitaalo Waaweyn

admin

TOP NEWS: Dhageyso Axmad Madoobe oo Daboolka ka qaaday Socdaalkiisa Muqdisho iyo Waxa uu salka ku haayo

admin