Animation

XOG: General gabre oo bilaabay qorshayaal halis ah ku dowlada cusub iyo madaxweyne farmaajo oo ka….

no responses
Sunday February 12, 2017 - 8:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee ka niyad jabay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa hadda wada qorsheyaal badan oo uu ku hagardaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xog la helay ayaa sheegeysa in Gabre uu durba bilaabay inuu raadiyo shaqsi lagu siro Farmaajo oo laga dhigo Ra’iisul wasaare.

Waxa uu doonayaa in beelaha xaqqa u leh Ra’iisu wasaare uu ka dhaadhiciyo shaqsi ay dowladda Itoobiya wadato in laga dhigo Ra’iisul wasaare sidaasi darteedna waxa uu wadaa galaangal iyo xiriir badan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in durba Farmaajo uu ka war helay arrinkaasi islamarkaanna uu iska ilaalinayo cid walbo oo dhanka Itoobiya kaga imaan karto.