Animation

XOG: Gabre oo 2 madaxweyne ku qasbay dib u doorashada Xasan Sh

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 6:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Gen. Gabre oo ka tirsan oo saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan Muqdisho, lana shaqeeya urur goboleedka IGAD uu keeney qorshe lagu doonayo in dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya lagu qasbo sidii ay u taageeri lahaayeen dib u doorashada Xasan Sheekh.

Kulan loogu magac daray dib u xoreynta dowlad goboleedyadaas deegaanada ay Shabaab ka haystaan, ayaa qadar 15 daqiiqo un ah kadib wuxuu galay marxalad ka duwan qorshihii hore ee shirka, kaasi oo ah in laga hadlo dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh oo loo sheegay hogaamiyayaasha inay ku qasban yihiin inay taageeraan, maadaama saraakiishan Itoobiyaanka ah ay u arkaan saaxiib ay leeyihiin oo ay tahay in uu markale ku guulaysto xilka Madaxtinimada ee Soomaaliya

Gen. Gabre ayaa u fududeeyey kulan gaar ah oo magaalada Addis ababa ku dhexmaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Gabre Delly oo ah madaxa sirdoonka ciidanka milatariga Itoobiya, kaasi oo loogu sheegay in ay hantaan oo ay gacanta ku dhigaan xildhibaanada ka imaanaya deegaanadooda, kadibna ay xildhibaanada ku qasbaan inay u codeeyaan madaxweyne Xasan oo markale u taagan inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa u sheegay saraakiishan Itoobiyaanka in waqtiga uu ku yaryahay ayna ku adag tahay in xildhibaanada ay soo xulayaan ay ku qasbaan doorashada Xasan Sheekh, hase yeeshe waxay ku taliyeen in dib loo dhigo xilliga doorashada, fursad kalana la siiyo shirka madasha qaran oo ay doonayaan inay maamulada kalena la kaashadaan qorshan cusub oo ay doonayaan inay taageera u helaan.

Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa la soo xiriiray madaxeyne Xasan Sheekh oo ay ka dalbadeen in la fogeyo xilliga doorashada, taasi oo uu ka qablaya, islamarkaana guddiga doorashada dadban uu ku amray in muddo bil ah ay sii fogeeyaan doorashada, waxaana sidoo kale uu soo bandhigay madaxweynaha liis ay ku qoran yihiin xildhibaanada uu ka rabo labadaas maamul, taasi oo ay kasoo horjeesteen Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo iyaguna qaba in xildhibaanadu ay noqdaan kuwa iyagu ay soo qorteen, laakiin ay diyaar u yihiin fulinta amarka saraakiisha Itoobiyaanka ee saaxiibka la ah Xasan Shiikh.

Isha: Caasimada