Animation

DHAGEYSO: Socdaal Musharax Farmaajo uu ku Maraayo Gobolada Dalka Soomaliya… Xageese ugu Horeynndoonta Socdaalkiisa????

no responses
Saturday September 10, 2016 - 9:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Iminka Inaga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in RW-hii hore ee Dalka ahna iminka Musharax u taagan qabashadda xilka Madaxweynenimo ee Dalka Maxamed Abdulaahi Farmaajo uu ku soo wajahanyahay Dalka.

Farmaajo oo doonaya in uu u tartamo madaxtinimadda Dalka ayaa waxaa doonayo in socdaal uu ku soo maro dalka isagoona safarkiisa la filayo in uu ka bilaabo Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kadib imaantinkiisa Muqdisho ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu Aadi doono Kismaayo isagoona kulamo halkaasi kula soo qaadan doona Masuuliyiinta Maamulkaasi, iyo weliba sidoo kale dadka deegaanka.

SIdoo Kale Garowe ayuu Kismaayo uga soo gudbi doonaa isagoona Sidoo kale mari doona Magaalooyin dhowr ah oo ay Cadaado, Caabudwaq iyo. Baydhabo, Boosaaso,Galgacyo, weliba Baladweyne ay kamid yihiin.

Haatanba sida aan wararka ku heleyno waxaa Magaaloyinkaasi sii gaarey  Wafdiyo ka socda gudiga ololaha Musharax Farmaajo kuwaa oo hor dhac u noqonaya safaradda uu Farmaajo ku tagayo magaalooyinkaasi.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Wixii Warar Ah ee Ku Soo Kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa Insha Allaah.