Animation

XOG: Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ka diiday Arin Sumcad Xumo ah oo ay…………………….(Tolow maxay tahay???)

no responses
Sunday September 18, 2016 - 7:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaareihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sharaftooda iyo sumcaddooda dhowrtay iskana diiday inay ku biiraan kooxda mucaaradka DF ee Xamar ku sugan.

Kooxdan oo la baxay isbaheysiga isbeddel sameynta ayaa dad badan u arkaan koox u dhisan carqalad iyo fowdo ee mucaaradnimadeeda dowladda aysan ahayn wax sixid iyo wanaagga dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Shariif iyo Farmaajo ay diideen codsi uga yimid kooxdan oo ahaa inay ka mid noqdaan isbaheysigan, ayaga oo ku adkeysatay in musharaxnimadooda ay ahaan doonto mid gaar ah oo aan cid kale ku xirneyn.

Waxaa wararku ay sheegayaan in labada mas’uul ay dareemeen in habdhaqanka kooxdan uusan ahayn Soomaalianimo iyo danta dalka iyo dadka, balse ay ku saleysan tahay mid shaqsiyeed.

Waxaa kooxdan ku jira rag badan oo ay ka mid yihiin Tarsan, Cabdi Weli Sheekh Axmed, Dr. Baadiyow, Axmed Macallin Fiqi, Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale.

“Shariif iyo Farmaajo waa dad ka caqli iyo xikmad sarreeyaa kuwan, waana ku faraxsanahay inaysan dooran inay kooxdan ku biiraan” waxaa sidaas yiri aqoonyahan falanqeeya Siyaasada Somalia oo nala hadlay.

Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa la filayaa in dhowaan ay si gooni gooni ah ugu dhowaaqaan musharaxnimadooda, ayaga oo ku soo wajahan Muqdisho.