Breaking News Somali News Top News

XOG:- Farmaajo iyo Jawaari oo kala furfur ku wada Mooshinkii ka dhanka ahaa…..

Dib u dhac iyo caajis badan ayaa hareeyay mooshinkii Baarlamaanka Soomaliya ee looga horjeeday saldhigga milteri ee Imaaraadka Carabta laga siiyay magaalada Berbera, maamulka Somaliland.

Mooshinka oo Baarlamaanka laga hor akhiriyay ayaa doodiisa la hakiyay sababo aan la garaneyn, waxaana warar xog-ogaal ah ay sheegayaan inuu jiro qorshe mooshinkaasi looga takhalusayo.

Arrintan ayaa ka danbeysay kulan uu safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axamed Alcusmani  la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan  (Jawaari) oo la isku afgartay in hoos loo dhigo mooshinka.

Wararka waxay intaasi ku darayaan  in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu la socdo arrintan iyadoo ay ka mid ahayd arrimihii laga dhaadhiciyay intii uu socdaalka ku joogay Imaaraadka Carabta.

Dhiciseynta mooshinka looga horjeedo saldhigga Berbera ee Imaaraadka loo saxiixay ayaa isu bedelay mid ay madaxda Soomaalida is afgarad hoose oo aan la shaacin kala gaareen Imaaraadka,

Maxamed Cisman Jawaari wa shaqsi la wada yaqaan  balse Dad badan oo Somaali ah  ayaa waxay is waydiinayaan halka ay ka baxday wadaniyaadii Farmaajo uu sheegan jiray xiligii uu u tartamayay Madaxweynenimada Somalia.

Related posts

Daawo Muuqaal: Maxaad kala Socotaa Qorsha Shidaal qodis ah oo ay wado Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaliya

admin

Mungaaboow: Muqdisho magangali!

admin

Ciidamada Dowlada oo Howlgal ka fuliyay Dagmada Baardheere.

admin