Animation

XOG: Ergada dooraneysa Xubnaha Matalaya Soomaliland oo Dagaalkii ugu Xumaa uu ka dhex taaganyahay Xili ay…….

no responses
Monday November 28, 2016 - 8:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo dhowaan lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada Labada aqal ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa isa soo taraya is qab qabsi ka taagan ergada matalaysa Gobolada waqooyi ee wax dooraneysa.

Is qab qabsiga iyo dooda ka taagan ergooyinka ayaa gaartay heer dib u dhac uu ku yimaado waqtigii lagu waday in la qabto doorashada Labada aqal ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa la sheegay inuu ku lug yeeshay mid ka mid ah is qab qabsiga ka jira ergooyinka, kaddib markii uu qoray ergo aanu qorin Suldaanka Beesha Habar Jecelo.

Waxaa lagu eedeynayaa in liiska ergada uu qortay uu ka saxiixay Suldaan aan aheyn kii saxda ahaa ee ku jiray 135 oday, taasoo ka timid cabasho badan.

Sidoo kale waxaa shaki la gelinayaa sax ahaanshaha ergooyin la sheegay in aanay matalin dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo la qoray, kuwaasoo liisaskooda loo gudbiyay Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi.

Ilo ku dhow dhow Suldaanka Beesha Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegaya in Maareeye uu ka faa’ideystay xanuun soo wajahay suldaanka oo ku xanuunsanaya mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Suldaanka iyo Maareeye ay muddooyinkii u dambeeyay isku xumaadeen, iyadoo Suldaanka uu taageersan yahay nin kale oo kula loolamaya Kursiga Xildhibaannimada, kaasoo lagu magacaabo Najiib Yuusuf Cusmaan.

Sidoo kale Suldaanka ayaa u janjeera dhinaca Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo galaan-gal xooggan ugu jira sidii uu u heli lahaa taageerada xubnaha Gobolada waqooyi.

Ka sokow is qab qabsiga ka taagan ergadii dooran laheyd xubnaha ka soo jeeda Somaliland ayaa waxaa iyana jira loolan kale oo u dhaxeeya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan helida taageerida xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Xubnaha labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo gaaraya 58 xubnood oo isugu jira 11 xubnood oo Aqalka sare ah iyo 47 xubnood oo Aqalka Hoose ah, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in cidii hesha tagaeerada xubnahaas ama cododkooda inay u sahli karto hanashada xilka Madaxweynaha.

Xigasho Jowhar.com