Animation

Xog: Dowladda Mareykanka oo door muuqda ka qaadaneyso shirka dib u heshiisiinta jubooyinka ee dhawaan Kismaayo ka furmaya.

no responses
Tuesday November 24, 2015 - 1:29 under Somali News by admin
mqdefault

Iyadoo dhawaan lagu wado in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee Beelaha jubooyinka Ayaa waxaa shirkaasi door muuqda ka qaadaneysa Dowladda mareykanka.

Dowladda mareykanka Ayaa dhawaan diblomaasiyiin kasocda waxay Magaalada Nairobi kula kulmeen hogaamiyaha Jubaland Axmed Nadoobe Iyo Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya janaraal cabdulqaadir Sheekh Cali diini oo ay si iskumid ah uga codsadeen iney ka shaqeeyaan sidii xal rasmi ah looga gaari Lahaa qilaafka siyaasadeed ee jubooyinka.

Waxaana codsigaasi mareykanka kadib durbadiiba ay masuuliyiintaasi gudagaleen qabanqaabada Shirkani ay maalgalineyso Dowladda mareykanka.

Dabaayaqada bishaan Ayaa lagu wadaa Inuu Shirkani ka furmo Magaalo xeebeedka Kismaayo, kaasi oo ay si iskumid ah u daadihin doonaan hogaamiye Axmed Madoobe Iyo wasiir diini.

Sidoo kale wali ma cadda mowqifka siyaasiyiinta mucaaradsanaa Maamulka Jubba Iyo suurtsgalnimsds ka qeyb-galkooda shirkan lagu wado Inuu dhawaan furmo.

Gudoomiyaha Gedo Maxamed cabdi Kaliil Ayaa horay u sheegay iney soo dhaweynayaan shirkastaa oo lagu dhameynaayo qilaafyada siyaasadeed ee ka jira jubooyinka.