Animation

XOG: Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada daacad maka yihiin Dhisida Ciidanka Qaran,yaase hortaagan?

no responses
Sunday July 9, 2017 - 5:42 under Breaking News by nairobi
mqdefault

Maalmahaan waxaa Muqdisho ku shirayey Golaha Amniga Qaranka, waxyaabaha laga wada hadlayey waxaa kamid ah sidii Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed loo dhisi lahaa, wararka kasoo baxayey shirka amniga qaranka ma aheyn kuwo u hiilinaya in Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto, Ciidan qaran qaab qabiil kuma dhismi karo, sidoo kale maamul beeleesyada haloo qeybiyo kuma dhismi karo, Soomaaliyeey ogaada haddii sidaa la sameeyo uma socono dawladnimo, waxaa dawladeena barakeysan oo dal iyo dibadba ku taageernay ku shaqeynaysaa fikrado wadamo shisheeye oo aan Soomaaliya la dooneyn in dib cagaheeda ugu istaagto.

SIDEE CIIDAN QARAN KU DHISMI KARAA?

Dhismaha iyo awoodda maamulka ciidamada xooga dalka waxaa iska leh Dawladda Federaalka Somalia, dhamaan dawladaha caalamka ee Federaalka ahna waa sidaas.Baarlamaanka Federaalka waa inuu Somalia badbaadiyaa oo dawladda ku cadaadiyaa sida quman ee Ciidanka Xooga dalka Somalia ku dhismi karo.

Ciidan qaran wuxuu ku dhismi karaa masuuliyaddaa inay qaadato dawladda Federaalka, dawladdu sameysaa guddi qubaro milateri ah oo dib u dhiska ciidanka hogaamiya, guddigaa oo ka kooban saraakiil Soomaaliyeed oo aan dagaaladda sokeeye ka qeyb qaadan, wadaniyad iyo daacadnimo lagu og yahay saraakiil aan maamulada dalka qeyb ka aheyn, markaa kadib guddiga sameeyaa shuruudaha ciidamada xooga looga mid noqonayo, guddigaa lagu dhaariyo 114 quraanka kariimka in si cadaalad ah, shuruudaha la dejiyey ku saleysan ciidanka ku xulayaan.

Shuruudaha waxaa ka mid noqon kara:

1- inaad askariga ciidan ahaan loo qaadanayo da’diisa ka weyneyn 25 sano.

2- inuusan balwad laheyn.

3- caafimaadkiisa wanaagsan yahay dhinac walba.

Quburadaa milateri dhamaan goboladda dalka Somalia intii la tegi karo tagaan, gobol walba xiliga la tagayo lasii iclaamiyaa , cidii ciidanka daneynaysa oo shuruudaha kasoo baxa soo qoraan, kuna soo xareeyaan xerooyinka loo cayimo in tababarada ciidanka lagu sameeyo, xerooyinkaa oo aysan wax saameyn ah ku yeelan karin maamul goboleedyada, ciidamada dhamaan goboladda laga soo qoro la isku dhafo, tababar ciidan iyo mid wadaniyadda ahba la siiyaa, ciidamadaa saadkooda iyo mushaarkooda meel la saaro amarkoodana looga danbeeyo ciidanka xooga dalka oo madaxweynaha dawladda Soomaaliya ka yahay taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka Somalia.

Sidoo kale qubarada milateri shuruudo u dejiyaan ciidamadii horey u jiray , ciidamada oo kala jooga dhamaan goboladda, lakala hufaa, wixii aan ciidan noqon karin laga saaraa, sidoo kale la isku dhafaa , tababar wadaniyad la siiyaa, Laguna kala daraa ciidamada cusub oo la dhisayo marka tababarka qaataan.

Dawlad Aduunka jiri kartaa ciidan la,aan ma jirto, haddii dhismaha ciidanka xooga dalka dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ku guuldareystaan in wax hagaagaan ha sugina.