Animation

XOG: Maxaa dib u dhigay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo Maanta loo balansanaa…

no responses
Sunday September 25, 2016 - 7:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay Xog Hoose ku Heleyso Shabakada Kismaayo24 waxaa Dib u dhac uu ku Yimid ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka sare oo Maanta lagu Madalsanaay.

Maanta oo ah 25-ka Bisha September waxaa Qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee ka Kooban 54 Xubnood sida ay ku heshiiyeen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran Guddiga Doorashooyinka Dadbana ay shaaciyeen.

Inkastoo aan weli si Dhab ah loo Ogaan Sababta uu dib u dhacaan u yimid hadana waxaa jira warar sheegaya in Arimo dhowr ah ay sababeen in Maanta uu dib uga dhaco ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare .

Guddiga Doorashooyinka weli kama Uusan Hadlin dib u dhacaan ku yimid ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare Maadama Maanta uu ahaa Qorshaha.

Dib u dhaca ayaa lagu sheegay in ay Sabab u tahay Dhanka Dhaqaalaha oo aan la heyn iyo Xubnihii Aqalka sare ka soo gali lahaa Maamulka loo dhisao Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo aan la soo gudbin.

Sanadkaan ayaa la Filaaya In soomaliya ay ka qabsoonto Doorashada Madaxtinimada iyo mida Baarlaman Iyadoona ay soo Baxayan in Dibn u dhac laga Baqaayo in Markale Waqtiga Doorashooyinka ay ku yimaadaan sidii Horayba u dhacday.