Somali News

XOG:- Diyaarado Qalab Ciidan u wada Dowlada Somali oo…

Soomaaliya ayaa hadda galeysa marxalad weyn oo dhanka dagaalka ah, waxaana Soomaaliya ay dooneysaa iney iska saarto cadowga Al-shabaab iyo cid walbo oo garabsiineysa.

Xog la helay ayaa sheegeysa in dowladda Masar ay maalmaha soo aadan Muqdisho kasoo dejineyso ilaa 8 diyaaradood oo wada hubkii ay ku dagaallami lahaayeen ciidamada xoogga dalka, Al-shabaabna lagu xoreyn lahaa.

Kadib wadahadalkii dhex maray Farmaajo iyo Sisi ayaa waxyaabaha la isku fahamay waxaa kamid ahaa in Masar ay dhanka hubka ka caawiso Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa xiriir aad u dheer la leh Soomaaliya, walow xaalado badan ay naga jeesteen, hadana waxay diyaar u yihiin in Soomaaliya dhanka Milatariga ka taageeraan.

Masar ayaa ah wadanka ugu awoodda badan dhanka ciidamada Bariga dhexe, waxayna marar badan saacideen ciidanka Soomaaliya.

Related posts

DEGDEG: Mudaharaadyo Hareeyay Dalka Congo Iyo Booliska Dalkaas oo

gurey

Dhagayso:- Deg Deg Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug oo Kismaayo Gaaray

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxkmad ku taalla South Africa oo la soo taagay Burcad lagu eedeeyay dilka laba Ganacsato Soomaaliyeed+Safiir jamaal oo qeyb ka ahaa Xubno ka…

Tifaftiraha K24