Animation

XOG: Dilka Jen,Goobaale oo dabada la galay Loolanka Xasan sheekh & Sheekh Shariif + Dacwad la gudbiyay….

no responses
Monday September 19, 2016 - 8:53 under Somali News by Tifaftiraha K24

iyadoo maalintii shalay weerar ismiidaamin ah lagu dilay Taliyihii guutada 3.aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Goobaale ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaasi.

Sida aan xogta ku helnay inta badana magaalada muqdisho laga hadal hayo Jeneraal Goobaale, ayaa la sheegay in si gaar ah u diyaarinayey ciidankii sugi lahaa Amniga sheekh shariif oo muqdisho kusoo wajahan cabsina ka qabay in la dilo waxaana Tuhun badan ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee lagu qaarajiyey jeneraalka.

Siyaasiyiin diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in uu socdo baaritaan hoose natiijadana la shaacin doono hasa ahaatee ay aaminsan yihiin in weerarkaasi qaarijinta ahaa laga soo abaabulay Villa Somalia xogo badana ay horay u hayeen.

dhanka kale sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka warqad degdeg ah u qoray taasoo uu ku sheegay in Muqdisho lagu ugaarsanayo cid walbo oo dooneysa iney la tartanto Xasan Sheekh islamarkaana amnigooda halis yahay.

Waxaa la filayaa in warqaddan ay jawaab degdeg ah kasoo saaraan xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho, islamarkaana ay go’aan ka qaataan arrintan.