Animation

Xog: Dhimashada Iyo dhaawaca ka dhashay Dagaalka Gaalkacyo oo sii koradhay iyo Meydadka labada dhinac oo lagu arkayo aagii Dagaalka.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 1:21 under Somali News by admin
mqdefault

Dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa khasaarahii ka dhashay iskugu jireen dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dhinacyada Dagaalamayey iyo Shacabka Magaalada.

19 Qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen in ka badan 25 qof oo lagu dabiibayo Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo dhimashadan iyo dhaawacan ayaa ah inta ay sida rasmiga u hayaan Isbitaalka Gaalkacyo oo ku yaala dhanka Waqooyi, Inkastoo ay jiro karto in ay tiradaa ka badan tahay.

Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada Galmudug ayaa sidii ay u dagaalamayeen iskala baxay Magaalada iyadoo dhawaqa xabadaha laga maqlayo Koonfur Galbeed ee banaanka magaalada welina uu socdo dagaalka.

Wararka aan helay ayaa sheegay bilowga Dagaalka waxaa ka mid ahaa dad shacab ah oo u badan Ganacsatada laba dhinac oo ka bar bar dagaalamayey labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug. iyagoo sheegayey in ay ilaalsanayaan Ganacsigoo Bakhaarada ku xiran.

Xaalada Magaalada ayaa saacadii u dambaysay gashay degenaasho marka laga reebo dhinaca uu dagaalka ka socda oo hadba sii durkaya banaanka la iskula baxay, Qaybo ka mid ah Waqooyiga magaalada ayaa maanta Ganacsigooda si caadi ah u watay.