Somali News Top News

XOG Dhageyso: Wareysi Xasaasi ah ” Alshabaab oo laga saaray Togga Suuj iyo Ciidamada Puntland oo Cawada…

Sida u Saxaafada u sheegay wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade Ciidamada Puntland ayaa soo afjaray gabi ahaan howlgalkii ka socday Togga Suuj ee Gobolka Nugaal waxaana wasiirku sheegay in hada Ciidamada Difaaca puntland ay daba joogaan firxadkii ka baxsaday Togga Suuj .

Wasiir Soocadde waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland ay gacanta ku haayan Maxaabiis ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay dagaalka goordhawna ay saxaafada usoo bandhigi doonan muuqalada Maxaabiista Alshabaab ee laga qabtay Togga Suuj.

Khasaaraha ayuu sheegay ee ciidamada Puntland gaarsiiyeen Kooxda Alshabaab  in uu yahay mid badan, isagoona intaas ku daray in Saraakiisha dawladda Puntland ay ku mashquulsan yihiin sidii tira koob rasmi ah logu samayn lahaa maydadka yaala goobaha lagu dagaalamay.

”Ciidankeenu waxaa ay ku raadjoogaan Kooxihii ka firxaday Hawlgalka Togga Suuj, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay soo sheegaan mesha ay ku arkaan cid u eg Alshabaab si ciidamadu halkaas uga hawlgalaan” Ayuu Yiri Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland.

Ugu Dambeyn Xaalada Togga Suuj ayaa caawa dagan waxaana gacanta si buxda ugu haaya Ciidamada Puntland sida uu sheegay wasiirka warfaaafinta Puntland Maxamad Xassan soocadde.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysi Xasaasi ah Wasiirka Warfaafinta

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Dacwada Badda Kenya iyo Soomaliya oo Maanta Maxkamadda ICJ go’aan ka gaareyso

Tifaftiraha K24

Rag Loo Heysto Kiiskii Caa’isho Yarey Oo La Xukumay .

admin

Daawo: Shirka golaha wasiirada oo maanta lagu magacaabay Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

Tifaftiraha K24