Somali News Top News

XOG: Dhageyso Shaki Xoogan oo ka dhashay waxa isku soo beegay in Marqura ay gubtaan Cisbitaalo Waaweyn

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Maanta kormeer ku tagay Cisbitaalladan Madiina iyo Banaadir oo Xalay dab uu ka kacay ayaa soo kormeeray goobah gubtay .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay la yaabanyihiin waxa isku soo beegay in mar qura ay gudbtaan Cisbitaalo waaweyn oo shacabka adeegyo Caafimaad u haayay waxaana uu xusay in Maamulka Gobolka uu Baaritaano deg deg ah ku sameyn doono waxa dhaliyay in hal haben ay gubtaan Cisbitaalada Madiina iyo Banaair ee ku yaala Magalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Cisbitaalada Madiina iyo Banaadir ayaa Xalay Mar qura waxaa ka kacay dab iyadoona Saacado yar ay u dhaxeeysa Gubashada labada Cisbitaal dabka ka kacay Banaadir hospitaal waxa uu saameyn weyn ku yeeshay Keydka Daawada Cisbitaalka halka Madiina Hospitaal isna dabka uu gubay Qeybtii ugu Muhiimsaneyd Cisbitaalka ee Saalada Qaliinka lagu sameeyo ah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Duqa muqdisho

Related posts

XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Hadda Ka Soo Kordhey Qarax Shalay Duleedka Kismaayo ka dhacay???

Tifaftiraha K24

Ciidamo katirsan Puntland oo isku horfadhiya Boosaaso maxay tahay sababta?

admin

Daawo: Dadkii ku dhintay weerarkii pizza house waxaa kamid ah seddex gabadh oo isla dhalatay iyo meydad horleh oo la helay

Tifaftiraha K24