Animation

XOG DEG DEG AH: Xildhibaano uu soo qasbay general Gabre oo Hada lagu xareeyay Hotelka SYL iyo kulan xasaasi ah oo socda+Sawirro

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 2:31 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hotelka Jaziira ee magaalada muqdisho waxaa hada kulan xasaasi ah ku leh xildhibaano lagu sheegay in ay gaarayan 200 iyo musharax xasan shiikh maxamuud.

Kulankaan waxaa uu yahay mid dhoola tus u ah musharixiinta kale ee la tartameysa xasan shiikh iyadoona villa soomaliya ay soo qaban qaabisay kulankaan ka socda hotelka SYL .

Kooxda Ol’oalaha xasan shiikh ayaa sheegay in xildhibaanadan ay gaarayan ilaa 210 Xildhibaan inkastoo aysan muuqan tirada ay kooxdu sheegtay taasi oo u muuqata mid buun buunin ah oo ah dacaayada laga gadaayo dadka kale si loo niyad jabiyo musharixiinta la tartameysa xasan shiikh.

Madaxtooyada Soomaliya waxa ay aad isugu taxluujisay in ay soo kasbato inyar oo kamid ah xildhibaanada labada aqal ee taageersan xasan shiikh kadibna loo adeegsado buun buunin warbaahineed si loo muujiyo dhagarta ay kooxdu la damacsantahay musharixiinta is bedel doonka u hiilinaya.

Tiradaan hada kulanka kuleh muqdisho waxa ay aad uga yartahay tiradii hore ee 209-ka xildhibaan oo isla hotelka jaziira kulanka ku qabtay oo ay ku muujiyeen taageerada xasan shiikh.

Xasan wuxuu loolan adag kala kulmayaa musharixiin dhowr ah waxaana muuqata in dagaal adag uu  gali doono si korsigiisa uu dib ugu soo laabto waxaana xasan dabada kasoo riixaya dowlada xabashida itoobiya.

Dadka ka qeyb galaya dhoola-tuskaan ayaa waxaa kamid ah oo kaamirada ay qabatay Generalka xabashiga ah ee itoobiyaanka ah jeneral Gabre oo ku dhexjira xildhibaanada labada Aqal waxaana muuqata in Gabre uu hanjabaad ku haayo xildhibaanada ka soo horjeeda xasan shiikh.

Warar kaloo soo baxaya waxa ay sheegayan in xildhibaanada hada ku sugan hotelka SYL badankood xoog lagu keenay iyo hanjabaad ay Villa soomaliya kula kacday Musharixiinta waxaan amuuqata in Gabre uu qeyb ka yahay Ol’olaha qasabka iyo hanjabaada ku dhisan ee kooxda xasan shiikh ay bilowday iyadoo saacado ay ka harsantahay doorashada madaxweynaha.

Xildhibaanada diidan soo laabashada xasan shiikh ayaa waxaa la sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in cawada iyo beri ay la kulmaan dhibaato maadama villa soomaliya iyo General Gabre ay isticmalayan awooda madaxtooyada si loo muujiyo taageerada gacan ku rimiska ah ee xasan shiikh uu helaayo.

La soco xogo dheeraad ah oo kulankaan ku saabsan