Animation

XOG DEG DEG AH: Shaqsi caan ah oo loo magacaabay taliye ku xigeenka hey’adda NISA+Magaciisa

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 3:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in wasaaradda amniga gudaha ay magacowday taliye ku xigeenka hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay taliye ku xigeenka Sirdoonka Soomaaliya.

Inkastoo magacaabiddan aysan ilaa haatan si rasmi ah usoo bixin hadana waxaa la ogaanayaa iney dhawaan dowladda soo saari doonto bayaan ay ku magacaabayso C/Qadir Nuur.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ilo ku dhow dhow Villa Soomaaliya iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida Turkiga waxay  sheegeen in C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac uu xilkaas  Taliye kuxigeenka Sirdoonka Soomaaliya.

Horey ayaa Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo Baarlamaanka Federaalka xubin ka ah loogu magacabay Madaxa Sirdoonka Soomaaliya tani waxay ka dhigaysaa in labadii Diblomaasi ugu sareysay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Madax ka noqdaan laanta Sirdoonka.

Ilaa iyo hadda wareegtada lagu magacabay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ma soo gaarin saxaafadda hase yeeshe warkan dhinacyo badan oo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay, waxayna dhacday magacabistan waqti sii horeysay.

Lama oga in magacabista Jaamac ku lug leeyahay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) hase yeeshe labada nin ayaa muddo kooban ka wada shaqeynayay Safaaradda Soomaaliya Turkiga.

Madaxa Siroonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa muuqaalka amaan ee Magaalada Muqdisho wax badan ka bedelay waxaana lagu amaanay ad adeeg iyo go’aanada adag oo mar walba ka gaarayo shaqadiisa.